30.1 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Odowaa oo ka soo muuqday shirka mucaaradka + Qorshaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee maalmahan dhaq-dhaqaaqyada ka waday Muqdisho ayaa haatan shir xasaasi ah ku leh Hoteelka Jasiira, iyada oo uu kasoo muuqday Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo dhawaan isaga baxay Xisbiga JSP, iskana casilay xilkii uu ka hayay.

Odowaa ayaa waxaa hoolka shirka kusoo dhaweeyay saaxibidiisa Cabdullahi Sanbaloolshe iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo iyaguna horay uga baxay garabka Xasan Sheekh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan oo ay u dhan yihiin xubnaha mucaaradka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa go’aanka ay ka qaadanayaan shirka uu iclaamiyay Madaxweynaha ee loo ballansan yahay 10-ka bishan May.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa rajo xumo ka muujinayo gogosha taalla, maadaama ay horay usoo fashilmeen dhammaan wada-hadalladii horay loola soo galay Madaxweyne Xasan Sheekh ee ka qabsoomay Villa Soomaaliya.

Shirkan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay mucaaradka ku caddeeyaan mowqifkooda, iyaga oo jawaab rasmi ah kasoo saaraya baaqa Xasan Sheekh.

Si kastaba, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Sabtidii sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu casuumay Golaha Mustaqbalka kulan dhici doona 10-ka May 2026, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka

Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday in casuumaaddaas ay timid kadib wadatashiyo uu madaxweynuhu la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo ay madaxtooyadu sheegtay in kulanka looga hadli doono arrimo masiiri ah, oo ay ku jiraan doorashooyinka, dowlad-dhiska, xoojinta midnimada qaranka iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada, oo intaas ku daray in wada-hadallada loo baahan yahay inay noqdaan kuwo miro dhal ah.

Lama oga sida wax ay noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dhamaato gogosha fidsan oo ay taageero u muujiyeen saaxibada caalamiga ah.

- Advertisement -

Read more

Local News