29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

DF Soomaaliya oo go’aan kasoo saartay banaanbaxa berri

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo goordhow shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo banaanbaxa mucaaradka ee lagu wado in berri uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo faah-faahiyay awaamiir culus oo soo baxday ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay fasaxday dibadbaxa, laakiin ay ka hortegayaan in la carqaladeeyo amniga.

Muungaab ayaa xusay in dowladda ogoshay in mucaaradka iyo taageerayaashooda ay isugu tegaan hal goob, isla markaana loo qorsheeyay garoonka Injineer Yariisow, halkaas oo lagu qaban karo isku soo baxa.

“Banaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta, majirto qof wax fowdo ah sameyn karta,” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna hadlay ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka hortagi doonaan cid kasta oo wax u dhimeysa amniga caasimada, wuxuuna ku eedeeyay mucaaradka inay qorsheynayaan inay khalkhal-geliyaan xasiloonida dalka.

“Dowladdu ma aqbaleyso in lagu xadgudbo amniga Caasimadda Muqdisho, ciddii banaanbax qabsaneysa waa inay raacdo tilmaamaha uu soo jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,”. ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay mucaaradka inay hub u qaybiyeen maleeshiyaad, ayna doonayaan inay kula dagaalamaan ciidanka amniga, sida uu hadalka u dhigay.

Go’aanka dowladda ayaa imaanaya, iyada oo xubnaha mucaaradka ay is-kala qaybiyeen, iyaga oo isku fidiyay magaalada Muqdisho oo ay berri ku qaban doonaan banaabax ay diidan tahay dowladda Soomaaliya. Mucaaradka ayaa isku kala qaybiyaan degmooyinka Hodan, Deyniile, Cabdicasiis, Warta Nabadda, Kaxda iyo Kaaraan.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya inay Axadda Berri ah qabtaan Banaanbaxa looga soo horjeedo dhulboobka iyo barakacinta shacabka Muqdisho, halka dowladana ay diidan tahay in la carqaladeeyo amniga.

- Advertisement -

Read more

Local News