Tehran (Caasimada Online) – Madaxda dalka Iiraan ayaa wajahaya caqabad weyn xilli ay isku dayayaan in wada-xaajood lagu soo afjaro dagaalka, iyadoo hoggaamiyahooda cusub ee ruuxiga ah uu yahay mid laga la’yahay goobaha fagaaraha, kana aamusan wada-hadallada socda.
Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka iyo Iiraan, Mojtaba Khamenei ayaa dhaawacyo culus ay kasoo gaareen duqeyn dhacday bishii Febraayo, taas oo ay ku dhinteen xaaskiisa, wiilkiisa, iyo aabbihiis oo ahaa Hoggaamiyihii hore ee ruuxiga ah ee Iiraan, Cali Khamenei.
Wixii xilligaas ka dambeeyay, waxa kaliya ee shacabka Iiraan ay ka maqleen ama ka arkeen hoggaamiyahooda cusub ayaa ah farriimo qoraal ah oo la sheegay inuu isagu qoray, iyo sawirro u muuqda in lagu sameeyay ama lagu naqshadeeyay caqliga macmalka ah (AI).
Maqnaanshihiisa ayaa dhibaato weyn ku noqotay xukuumadda Tehran, xilli ay waddo wada-hadallo dagaalka lagu joojinayo. In kasta oo madaxda Iiraan ay muujiyeen midnimo intii uu dagaalku socday, iyagoo isku dubariday farriimahooda siyaasadeed, awoodna u yeeshay in ay maamulaan ciidamadooda, haddana waxaa hadda soo ifbaxaya khilaaf ku saabsan ilaa heerka ay gaarsiin karaan tanaasulka ay u sameynayaan Mareykanka si heshiis loo gaaro.
Arash Azizi, oo ah taariikhyahan iyo bare ka tirsan Jaamacadda Yale, si dhowna ula socda arrimaha Iiraan, ayaa sheegay in maqnaanshaha dheer ee Khamenei uu qalqal geliyay taageerayaashiisa mayalka adag, kuwaas oo haatan shaki gelinaya sharcinimada wada-hadallada, kadib markii ay is-weydaarsadeen farriimo ay dhaliilo ku muujinayaan.
Garabka mayalka adag ayaa bartilmaameedsaday siyaasiyiinta qunyar socodka ah ee doorarka muhiimka ah ku leh wada-hadallada, gaar ahaan guddoomiyaha baarlamaanka Mohammad Bagher Ghalibaf, oo ay u arkaan shaqsi tanaasul xad dhaaf ah sameynaya.
“Waxay is-weydiinayaan meesha uu jaan iyo cirib dhigay,” ayuu yiri Azizi oo ka hadlayay hoggaamiyaha cusub. “Waxay aad uga xun yihiin qaabka Ghalibaf iyo kooxda Golaha Amniga Qaranka ay u hoggaaminayaan wada-hadallada, iyagoo aaminsan inay tanaasul aad u badan u sameynayaan Mareykanka.”
Qaar ka mid ah taageerayaasha mayalka adag ee maamulka ayaa baraha bulshada soo dhigay farriimo ay ku dalbanayaan in Khamenei uu ugu yaraan soo diro farriin cod ah oo uu ku caddaynayo taageeradiisa wada-hadallada.
Taariikh ahaan, hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan ayaa ahaa go’aan-gaaraha kama dambaysta ah ee arrimaha amniga qaranka. Labadii hoggaamiye ee ka horreeyay Khamenei ayaa inta badan fagaaraha ka sheegi jiray jihada ay rabaan in dalku qaado, iyagoo u dhaqmi jiray sidii garsoorayaal kala saara kooxaha isku haya siyaasadda.
Si loo soo afjaro dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq ee 1980-meeyadii, Ayatollah Ruhollah Khomeini, oo ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee kacaanka, ayaa qaatay go’aan adag oo lagu joojinayo dagaalka, taas oo uu ku sifeeyay qaraar la mid ah isagoo cabbay sun. Sidoo kale, aabbaha dhalay hoggaamiyaha cusub, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa fagaare ku taageeray wada-hadalladii horseeday heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii lala galay quwadaha caalamka, ka hor inta uusan oggolaanin heshiiska rasmiga ah.
Dowladda Iiraan ayaan wali baahin sawirro cusub oo muujinaya Mojtaba Khamenei. Dhammaan sawirradiisa rasmiga ah ee la faafiyay — oo ay ku jiraan sawirka saaran bartiisa X (Twitter) iyo boorarka dacaayadaha ee lagu dhejiyay waddooyinka Tehran — ayaa u muuqda kuwo la soo saaray ama wax laga beddelay iyadoo la adeegsanayo AI.
Saraakiisha Iiraan ayaan xitaa soo saarin codka hoggaamiyahooda cusub, si ka duwan hoggaamiyihii hore oo mararka qaar cod soo diri jiray markii amnigiisu uu khatar ku jiro. Arrintan ayaa dhalisay in dad badan oo Iiraaniyiin ah ay is-weydiiyaan inuu weli nool yahay.
Mas’uuliyiinta dalkaas ayaa ku dooday in Khamenei uu is-qarinayo sababo dhanka amnigiisa ah. Kahor xabbad-joojinta, Israa’iil ayaa si joogto ah u bartilmaameedsatay una dishay saraakiil sarsare oo Iiraaniyiin ah, Khameneina wuxuu weli ku jiraa safka hore ee liiska xubnaha ay raadinayaan inay khaarajiyaan.
Khamiistii, markii ugu horreysay, sarkaal sare oo Iiraani ah ayaa shaaciyay inuu la kulmay hoggaamiyaha cusub. Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa farriin fagaare ah ku sheegay inuu dhowaan kulan laba saacadood iyo bar qaatay la yeeshay Khamenei. Farriintan ayaa u muuqatay isku day lagu tirtirayo shakiga laga qabo in hoggaamiyaha cusub uu nool yahay isla markaana uu maamulayo dalka.
“Pezeshkian wuxuu isku dayayaa inuu ku qanciyo mucaaradka iyo taageerayaasha maamulka labadaba in Mojtaba uu u dhuumanayo sugidda amnigiisa, ee uusan dhiman. Arrintan ayaa muhiim ah maadaama ay Jamhuuriyadda Islaamiga ahi ka shaqeynayso heshiis,” ayuu yiri Saeid Golkar, oo ah khabiir ku takhasusay ciidamada amniga Iiraan, waxna ka dhiga Jaamacadda Tennessee ee Chattanooga.
Habeennimadii Jimcaha, sarkaal Iiraani ah ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay dhaawacyada Khamenei, isagoo xusay in duqeyntii lagu dilay aabbihiis ay sidoo kale dhaawacyo kasoo gaarsiiyeen jilibka iyo dhabarka, inkastoo sarkaalku uu ku adkaystay in caafimaadkiisu uu wanaagsan yahay.
“Cadowgu wuxuu isku dayayaa siyaabo kala duwan inuu helo codkiisa ama muuqaalkiisa si uu ugu adeegsado si khaldan,” ayuu yiri Mazaher Hosseini, oo ah mas’uul sare oo ka tirsan xafiiska hoggaamiyaha Iiraan. Wuxuu hadalkan ka sheegay muuqaal ay baahisay wakaaladda wararka ee Nour, oo hoos tagta Golaha Amniga Qaranka ee Iiraan. Wuxuu raaciyay: “Xilliga ku habboon, isaga qudhiisa ayaa dhammaantiin idinla hadli doona.”
Ugu dambeyn, hadalladan fagaaraha laga sheegay ayaa wax u dhimi waayay aragtida baahsan ee ah in Khamenei uusan caafimaad ahaan awoodin inuu si firfircoon uga qayb qaato maamulka maalinlaha ah ee dalka. Hadalka Madaxweyne Pezeshkian ayaa in ka badan diiradda saarayay qaabka kulanka u dhacay, mana uusan faahfaahin nuxurka wixii laga wada hadlay, sidoo kalena ma sheegin goorta iyo goobta rasmiga ah ee uu kulanku ka dhacay.

