27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Maraykanka oo baasaboorka kala laabtay waalidiin lagu leeyahay biilka caruurtooda 

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa bilowday tallaabo adag oo lagu laalayo baasaboorrada waalidiinta lagu leeyahay lacagaha masruufka carruurta, ee loo yaqaan child support.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaal cusub oo dowladda federaalka ay ku xoojinayso fulinta waajibaadka sharci ee waalidiinta lagu xukumay inay bixiyaan lacagta lagu daryeelayo carruurtooda.

Inkasta oo sharci soo baxay 1996-kii uu oggolaanayay in baasaboorka loo diido qofka lagu leeyahay masruuf carruur marka uu codsanayo baasaboor cusub ama cusboonaysiinayo mid hore, tallaabadan cusub ayaa ka ballaaran nidaamkii hore. Markan, dowladda ayaa si firfircoon u laali karta baasaboor hore u shaqaynayay.

Howlgalkan, oo billowday Jimcihii, May 8, 2026, ayaa wajigiisa koowaad lagu beegsanayaa dadka lagu leeyahay $100,000 ama ka badan oo masruuf carruur ah. Ku dhowaad 2,700 oo qof oo Maraykan ah ayaa la sheegay inay ku jiraan kooxdan koowaad.

Wajiga labaad ayaa lagu ballaarin doonaa dadka lagu leeyahay wax ka badan $2,500, oo ah xadka federaalka ee qofka looga hor istaagi karo inuu helo ama cusboonaysiiyo baasaboor. Tallaabadan ayaa la filayaa inay saamayn ku yeelato kumannaan waalid oo kale.

Sida nidaamku u shaqaynayo

Hay’adaha gobollada ee qaabilsan masruufka carruurta ayaa aqoonsada waalidiinta deynta lagu leeyahay. Kadib, waxay xogta u gudbiyaan Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadweynaha ee Maraykanka, HHS, taas oo iyaduna wargelisa Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda ayaa qofka u diraysa ogeysiis rasmi ah, iyadoo adeegsanaysa email ama cinwaanka guriga ee qofka ku qoran. Ogeysiiskaas ayaa lagu wargelinayaa in baasaboorkiisa la laalay ama laga mamnuucay inuu helo mid cusub ilaa arrinta deynta la xalliyo.

Qofka baasaboorka laga laalo ma isticmaali karo dukumentigaas si uu ugu safro dibadda. Haddii uu qofku ku sugan yahay meel ka baxsan Maraykanka marka baasaboorka laga laalo, waa inuu la xiriiraa safaaradda ama qunsuliyadda Maraykanka ee ugu dhow.

Xaaladdaas, waxaa la siin karaa baasaboor ku meel gaar ah oo xaddidan, kaas oo kaliya loogu oggolaanayo inuu dib ugu laabto Maraykanka. Looma isticmaali karo safarro kale ama u kala gooshka dalal kale.

Sida baasaboorka dib loogu heli karo

Qofka doonaya inuu dib u helo xaqa baasaboorka waa inuu marka hore la xiriiro hay’adda gobolka ee ay deyntu uga qoran tahay. Waa inuu bixiyaa lacagta lagu leeyahay ama uu galaa heshiis ay hay’adda gobolka aqbasho, iyadoo ku xiran shuruucda gobolkaas.

Marka arrinta deynta la xalliyo, hay’adda gobolka ayaa xogta u gudbinaysa HHS. Kadib, HHS ayaa magaca qofka ka saaraysa liiska dadka laga xayiray baasaboorka, waxayna xogta u gudbinaysaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Nidaamka xaqiijinta ayaa qaadan kara ugu yaraan laba ilaa saddex toddobaad. Laakiin bixinta deynta micnaheedu ma aha in baasaboorkii hore si toos ah dib loogu soo celinayo.

Haddii baasaboor la laalay, qofku waa inuu marka hore sugaa in magaciisa laga saaro liiska, kadibna uu gudbistaa codsi cusub oo baasaboor ah, isagoo bixinaya dhammaan khidmadaha caadiga ah.

Digniin ku socota waalidiinta ku nool dibadda

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ujeeddada siyaasaddan ay tahay in waalidiinta lagu khasbo inay gutaan waajibaadkooda sharci iyo midka qoys ee ka saaran carruurtooda.

Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah dadka haysta dhalashada Maraykanka ee ku nool ama u safra dibadda, oo ay ku jiraan Soomaali-Maraykan badan oo arrimo ganacsi, shaqo ama qoys ugu safra Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ah.

Waxaa jira aabbayaal iyo hooyooyin Soomaaliyeed oo Maraykan ah oo qoysaskooda kala tageen ama kala nool, kuwaas oo qaarkood lagu leeyahay masruuf carruur oo maxkamad ama hay’ad gobol diiwaangelisay. Dadkaas waxay halis ugu jiraan in baasaboorkooda la laalo haddii ay iska indhatiraan waajibaadkaas.

Sharcigan ma beegsanayo qowmiyad gaar ah, balse wuxuu saamaynayaa qof kasta oo haysta baasaboor Maraykan ah, isla markaana lagu leeyahay masruuf carruur oo gaaraya xadka federaalka.

Tallaabadan ayaa digniin u ah waalidiinta u malaynayay in deynta masruufka carruurtu ay tahay arrin gudaha gobolka ku eg. Hadda waxay si toos ah u saamayn kartaa safarka caalamiga ah, baasaboorka iyo awoodda qofka ee ah inuu si xor ah ugu safro dibadda.

Ali Muhiyaddiin

- Advertisement -

Read more

Local News