27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

In ka badan 300 Soomaali ah oo lagu qabtay howlgal ka dhacay magaalada Tripoli

Bookmark
Bookmarked

Share

Tripoli (Caasimada Online) — Wararka ka imaanaya magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka iyo kooxo dharcad ah ay tan iyo Jimcihii guryaha iyo waddooyinka ka qabqabteen in ka badan 600 oo muhaajiriin ah.

Dadkan la qabqabtay ayaa la sheegay inay ku jiraan Soomaali tiro badan, xilli magaalada Tripoli ay ka socdaan howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo dadka ajaanibta ah ee aan haysan sharciyada joogitaanka dalka.

Warsame Cabdi Muxumad oo ku sugan Tripoli ayaa Caasimada Online u sheegay in dadka Soomaaliyeed ee howlgalka lagu qabtay ay gaarayaan in ka badan 300 oo qof, kuwaas oo isugu jira rag, dumar iyo dad da’ kala duwan leh.

Sida uu sheegay, howlgalka waxaa fulinayay ciidamo boolis ah iyo rag dharcad ah, kuwaas oo qaarkood galay guryo ay deganaayeen muhaajiriin, halka dadka intooda badan laga qabqabtay waddooyinka, goobaha ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha.

“Dad badan waddooyinka ayaa laga qabtay, qaar kalena gaadiidka dadweynaha ayaa laga dejiyay,” ayuu yiri Warsame, isagoo sheegay in Soomaalida ku nool Tripoli ay wajahaan cabsi xooggan tan iyo markii howlgalka uu billowday.

Sharciyada oo la weydiinayo

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qabqabashada ballaaran, hase yeeshee dadka la qabtay ayaa la sheegay in la weydiinayay sharciyada ay ku joogaan dalka.

Dadka aan haysan dukumentiyo rasmi ah ayaa lagu qaaday gaadiid ay wateen ciidamada, balse ilaa hadda si rasmi ah looma oga xarumaha ama xeryaha lagu geeyay.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Tripoli ayaa sheegay in howlgalka uu abuuray jahwareer iyo cabsi, maadaama dad badan aysan garanayn halka la geeyay eheladooda iyo asxaabtooda la qabtay.

Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marin muhiim ah oo ay adeegsadaan muhaajiriinta ka yimaada dalalka Afrika, kuwaas oo isku dayaya inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan dalalka Yurub.

Laakiin waddadan ayaa ka mid noqotay meelaha ugu khatarta badan ee ay maraan muhaajiriinta, iyadoo dad badan ay la kulmaan xarig, dhac, jirdil, afduub, tacaddiyo ka dhaca xeryaha lagu hayo muhaajiriinta iyo dhimasho ka dhalata safarka badda.

Soomaali badan ayaa sanadihii u dambeeyay ku xayirnaa Liibiya, qaar iyagoo sugaya fursad ay ku tahriibaan, halka kuwo kale ay ku noolaayeen magaalooyinka waaweyn iyagoo shaqooyin kala duwan ka raadsanaya.

Howlgalkan cusub ayaa walaac xooggan ku abuuray qoysas Soomaaliyeed oo ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisa, kuwaas oo ka cabsi qaba in dadka la qabqabtay lagu hayo xaalado adag ama loo wareejiyo xeryo aan si fudud war looga heli karin.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News