Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si adag uga hadlay abaabul ciidan oo uu sheegay in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku wajahday banaanbixii maanta.
Farmaajo ayaa marka hore tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii ku nafwaayey dibadbaxyada mucaaradka soo abaabuleen ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Waxaan tacsi murugo leh u dirayaa ehelada iyo qoysaska dadkii ku nafwaayey dibad-baxyada nabadeed ee shacabka Soomaaliyeed ay kaga soo horjeesteen dhulboobka iyo barakicinta arxan darrada ah ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay kula kaceen shacabka ku dhaqan Muqdisho,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Tallaabadan ayuu sheegay inay muujinayso halista Madaxweynaha uu muddo xileedkiisa sharciga ahi ku egyahay 15-ka May uu ku wado dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
“Abaabulka ciidan ee Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku wajahday muwaadiniinta gudanayey xaqooda dastuuriga ah ee dibad-baxa nabadeed, waxa ay muujinaysaa halista Madaxweynaha uu muddo xileedkiisa sharciga ahi ku egyahay 15-ka May uu ku wado dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”
Sidoo kale, wuxuu caafimaad degdeg ah Alle uga baryay dhammaan dhallinyarada iyo waalidiinta ay soo gaareen dhaawacyadu.
Ugu dambeyntiina, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay gurmadka iyo garab istaagga dadka nugul ee ku barakacay baneynta dhulka danta guud ee Dowladda Federaalka ka fulisay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Si kastaba, mucaaradka oo weli diidan hannaanka uu wax ku wado Xasan Sheekh ayaa wada abaabulka dibadbaxyo ka dhan ah dowladda, waxayna dalbanayaan in talada uu madaxweynuhu soo dhigo dhexda, kadibna la aado doorasho heshiis lagu yahay.

