Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay dadka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, banaanbaxa mucaaradka iyo gogoshii uu dhawaan u fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay in doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ee maanta ka qabsoomtay dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ay bog iyo taariikh cusub u fureen Soomaaliya, isagoo tilmamaay in dalka uu haatan u jiheystay doorasho qof iyo cod ah.
“Maanta waa maalin maalmihii waaweyna oo Soomaaliya taariikhda ay sameynaysay kamid ah. Markii labaad ayaa dad Soomaaliyeed waxay dhaqaaqeen maanta doorasho qof & cod ah iyo inay cabiraan ra’yigooda iyo cidda ay u rabaan inay hoggaanka noqoto,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod ay ka tarjumeyso dhabta waxa ay rabaan. “Danta Soomaaliyeed kama tarjumayso nin kaligiis meel taagan. Dowladda Federaalka waxay kasoo shaqeysay waaka, inta kale ee dalkana inay sidaas u dhameystirto ayay rabtaan.”
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa mucaaradka ku eedeeyay in aysna ka muuqan niyadsamaan, isagoo su’aal geliyay sababta ay maanta ugu soo aadiyeen banaanbax ka dhan ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Maxaa maanta loogu soo aadiyay banaanbaxa oo doorasho ka dhaceyso dalka. Waxaa iyadana su’aal meesha taagan ah oo in la fahmo u baahan sababta maanta oo Dowladda Soomaaliya ku baaqday shir hordhac ah oo wada-xaajood ah loogu soo aadiyay banaanbaxa, niyad samaan kama muuqato meeshaas.”
Waxa uu intaas kusii daray: “Banaanbaxa wuxuu ahaa mid Soomaaliya lagu carqaladeyno, dowladdana intay fahamtay ayay ogolaatay in banaanbixii la qabto, hase yeeshee dadka Soomaaliyeed ayaa iyagu dhinacooda ka fahmay.”
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in siyaasiyiinta mucaaradka la yimaadan niyadsamaan iyo ujeedo toosan, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba, doorashada Koonfur Galbeed looga dareeray maanta ayaa imanaysa xilli mucaaradka ay si adag u diidan yihiin hanaanka doorasho qof iyo cod iyo dhaqan-gelinta dastuurka cusub.
Doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed ayaa ka dhacay 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, iyadoo si buuxda ay uga qayb-galeen dadweynaha Koonfur Galbeed oo saaka u dareeray goobaha codbixinta ee loo asteeyay doorashada.
Sida uu sheegay guddiga doorashadu wuxuu loolanka u dhexeeyaaa 15 urur siyaasadeed oo isku diiwaangeliyay ka qayb-qaadashada doorashooyinka golaha wakiilada Koonfur Galbeed, iyadoo golaha wakiiladda isku soo sharraxeen illaa 394 musharrax oo isugu jiro rag iyo dumar.
Sidoo kale golaha deegaanka waxaa ku loolamaya 18 urur, iyada oo ay isa soo sharraxeen illaa 1,297 oo isugu jiro rag iyo dumar u badan dhalinyaro.
Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa maanta qoray taariikh cusub, iyadoo muddo ka badan 57 sano kadib markii ugu horreysay ay si toos ah uga qeybgalayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan hoggaankooda.
Hoos ka daawo muuqaalka

