31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Shariif oo shaaciyay arrimo kasoo kordhay dibadbaxa mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay dibadbaxa mucaaradka ee maanta ka bilowday qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, isaga oo u tegay banaanbaxayaal isugu soo baxay aagga guria uu ka dagay xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis

Shariif ayaa marka hore sheegay inay la kulmeen ergo ka socday dowladda federaalka, balse dadaallada la sameeyay ay ka fashilmeen dhanka dowladda.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in la’isla gartay in dibadbaxu ka dhaco garoonka Koonis, balse shacabka laga xirtay waddooyinka, lagana hor istaagay garoonka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu ka hadlay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dibadbaxa, kadib markii la rasaaseeyay shacab ku sugnaa Dayniile.

“Jidgooyooyin ayaa loo sameeyay dadka waa la jir-dilay runtii waa arrin aad iyo aad looga xumaado sidaas oo kale dibadbaxa waxa uu ka dhacay meelo kale oo ay kamid tahay gubta iyo Dayniile halkaas oo ay dad ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in banaanbaxyada ay soo socon doonaan, isla markaana lagu raadinayo xuquuqda dadkii la barakiciyay.

“Mudaharaadku waa noo bilowday mana istaagaayo illaa dadkii dhibanaay xuquuqdooda ay ka helaan,” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Si kastaba, ujeedka ugu wayn ee mucaaradka ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu talada soo dhigo dhexda, kadibna la aado doorasho heshiis lagu yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News