Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta deegaannada Koonfur Galbeed si rasmi ah uga bilowday doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ee maamulkaas, iyada oo uu codkiisa dhiibtay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe oo sidoo kale u sharraxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Doorashooyinkan ayaa si isku mid ah uga bilowday 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, iyadoo si buuxda ay uga qayb-galaan dadweynaha Koonfur Galbeed oo saaka u dareeray goobaha codbixinta ee loo asteeyay doorashada.
Sida uu sheegay guddiga doorashadu wuxuu loolanka u dhexeeyaaa 15 urur siyaasadeed oo isku diiwaangeliyay ka qayb-qaadashada doorashooyinka golaha wakiilada Koonfur Galbeed, iyada oo ay isa soo sharraxeen illaa 394 musharrax oo isugu jiro rag iyo dumar doonaya inay kamid noqdaan baarlamaanka cusub oo soo dooran doono madaxweynaha.
Sidoo kale golaha deegaanka waxaa ku loolamaya 18 urur, iyada oo ay isa soo sharraxeen illaa 1,297 oo isugu jiro rag iyo dumar u badan dhalinyaro.
Shacabka reer Koonfur Galbeed ayaa maanta qoraya taariikh cusub, iyadoo muddo ka badan 57 sano kadib markii ugu horreysay ay si toos ah uga qeybgalayaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan hoggaankooda.
Doorashooyinkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso dowladda federaalka iyo mucaaradka, taas oo haatan si weyn looga dareemayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

