28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Suurta-galnimada in Shariqah ka go’do Imaaraadka Carabta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Shaariqah (Caasimada Online) – Xilli Imaaradaha Abu Dhabi iyo Dubai ay qaadanayaan siyaasado arrimo gudaha ah oo xorriyad ballaaran siinaya hab-dhaqanka reer galbeedka, isla markaana ay wadaan ajandeyaal dibadeed oo si cad uga weecanaya taariikhda iyo haybta Carabnimo iyo midda Islaamnimo ee Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa baraha bulshada si weyn ugu dhex faafay xan sheegaysa inuu jiro khilaaf hoose oo soo dhexgalay isbaheysiga dalkaas.

Sheegashada ugu culus ee soo baxday ayaa tilmaamtay in maamulka Shaariqah uu ka go’i karo isbaheysiga 7-da Imaaradood. In kasta oo warkaas uu yahay mid aan la xaqiijin, caddeyn rasmi ahna aan loo hayn, haddana baahitaankiisa ayaa daaha ka rogtay xiisad qoto dheer oo ka dhalatay jihada uu u socdo dalka Imaaraadka, gaar ahaan farqiga u dhexeeya maamulka muxaafidka ah ee Shaariqah iyo siyaasadaha casriga ah ee ay horboodayaan Abu Dhabi iyo Dubai.

Dab hoos ka ololaya

Dastuurka Imaaraadka oo la meel-mariyay sanadkii 1971-kii, boos ugama tagin in xubin ay iskeed uga go’i karto dalka. Qodobka 4-aad ayaa si cad u mamnuucaya in maamulna uu ka baxo isbaheysiga ama uu wareejiyo dhulkiisa, isagoo dhigaya in dalku uusan marnaba madax-bannaanidiisa hoos u dhigi karin, tanaasulna ka sameyn karin qayb ka mid ah dhulkiisa iyo biyihiisa.

Hoggaamiyaha Shaariqah, Sheekh Dr. Sultan bin Muxammad Al-Qaasimi oo maamulka hayay tan iyo 1972-kii, ayaa muddo dheer difaacayay midnimada dalka, wuxuuna dhowaan dib u xaqiijiyay daacadnimadiisa isbaheysiga dowladda dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, xanta sheegaysa in Shaariqah ay isku diyaarineyso inay ku dhawaaqdo “jamhuuriyad madax-bannaan” ayaa xawli ku faaftay, maadaama ay u muuqatay mid ka turjumeysa is-diiddo dhanka fikirka ah oo dhab ahaan uga jirta gudaha dalkaas.

Murankan ayaa sii xoogeystay kadib markii shabakadda Polymarket ay soo bandhigtay “ixtimaalka in Shaariqah ay ka go’do Imaaraadka,” taas oo dood weyn ka dhex dhalisay wareegyada siyaasadda iyo maaliyadda. Warbixinno xaqiijin ah ayaa beeniyay sheegashadaas, balse waxay qireen in warkaasi uu awood ka helayo khilaaf dhab ah oo dhanka siyaasadda ah, gaar ahaan arrinta caadiyeynta xiriirka ee “Israa’iil”.

Warbixinnada ayaa farta ku fiiqay laba arrimood oo ah isha ugu weyn ee xiisadda. Waa midda koowaade, nidaamka bulsheed ee furan ee ay qaateen Abu Dhabi iyo Dubai, xilli ay doonayaan inay xoojiyaan kaalintooda xarumo maaliyadeed oo caalami ah. Midda labaad ayaa ah xiriirka xawliga ku socda ee ay la yeesheen gumeysiga Israa’iil kadib heshiiskii ‘Abraham Accords’, kaas oo ay ku jirto iskaashiga dhinacyada amniga, milateriga, sirdoonka iyo dhaqaalaha.

Taa beddelkeeda, Shaariqah waxay xajisatay haybteeda Carabnimo iyo midda Islaamnimo ee muxaafidka ah, waxaana si weyn loogu arkaa maamul si dhow u garab taagan qaddiyadda Falastiin. Hadallo ka soo yeeray Sheekha Jawaher Alqaasimi oo ay ku dhaleeceysay iskaashiga waxbarasho ee lala yeeshay “Israa’iil” ayaa sii muujiyay farqiga u dhexeeya mowqifka soo jireenka ah ee Shaariqah iyo jihada cusub ee istaraatiijiyadeed ee dowladda Imaaraadka.

Dil-dillaac aamusan

Dooddan ayaan hadda ku ekeyn oo keliya Shaariqah. Falanqeeyayaasha ayaa si isa soo taraysa u tilmaamaya in uu jiro “dildillaac aamusan” oo u dhexeeya Abu Dhabi iyo Dubai, oo ah labada awoodood ee ugu weyn isbaheysiga.

Dubai oo dhaqaalaheedu uu si weyn ugu tiirsan yahay maaliyadda caalamka, dalxiiska, duulimaadyada, iyo ganacsiga, ayaa loo arkaa mid si fudud ugu nugul saameynta siyaasadda arrimaha dibadda ee hujuunka ah ee Abu Dhabi, gaar ahaan xilligan ay jiraan xiisadaha Iiraan iyo halista ku wajahan waddooyinka maraakiibta iyo madaarada gobolka.

Warbixinnada qaar ayaa ku doodaya in isku-dheelitirnaantii hore – taas oo Dubai ay ku maamuleysay mashiinka dhaqaalaha, halka Abu Dhabi ay xukuntay arrimaha siyaasadda iyo istaraatiijiyadda – ay hadda isbeddeleyso maadaama Abu Dhabi ay awood badan isugu geyneyso gacanteeda, siina ballaarineyso maamulkeeda.

Falanqeyn kale ayaa iyaduna soo jeedinaysa in maamullada waqooyi oo ay ku jiraan Shaariqah, Ras Al-Khaimah iyo Fujairah, ay muujinayaan taxaddar weyn oo ku aaddan siyaasadaha ay horboodayso Abu Dhabi, gaar ahaan ka qaybgalkeeda tooska ah ee arrimaha milateriga gobolka iyo isbaheysiga sii ballaaranaya ee ay la leedahay quwadaha shisheeye.

Saddex waddo oo suurtagal ah ayaa haatan si weyn loo falanqeynayaa: In Dubai ay dhaqaale ahaan aad ugu tiirsanaato Abu Dhabi haddii xiisadaha gobolku ay dhaawacaan dhaqaalaheeda; in maamulladu ay helaan madax-bannaanidooda shaqo ee hoose xilli isbaheysiga guud uu sii jiro; ama in hoggaanka dowladda federaalku uu xoojiyo awoodda dowladda dhexe, taas oo khalkhal gelin karta isku-dheelitirnaantii soo jireenka ahayd ee u dhaxeysay imaaradaha dalkaas.

Inkastoo baraha bulshada ay hareeyeen xanta ku saabsan tallaabooyin aan caadi ahayn ama isbeddello gudaha ah, haddana wax la xaqiijiyay ma jiraan. Dastuurka ayaa diidaya waddo kasta oo sharci ah oo lagu go’i karo, sidoo kalena kaabayaasha dhaqaale ee isku xiran ee Imaaraadka, waddooyinka ganacsiga, nidaamyada maaliyadeed, iyo juquraafiga ayaa ka dhigaya in riyo kasta oo gooni-isu-taag ah ay tahay mid qiimo culus ku fadhida oo dhalin karta xasilooni-darro baaxad leh.

Khilaafka jihada dalka

Kala duwanaanshaha u dhexeeya Shaariqah iyo Dubai ayaa sidoo kale si cad uga dhex muuqda nolosha bulshada ee maalinlaha ah. Tusaale ahaan, Dubai waxay oggoshahay cabbitaanka khamriga iyadoo hoos imaneysa shuruudo gaar ah, halka Shaariqah ay dhaqangeliso shuruucda ugu adag ee khamriga ka hortagaya, taas oo ciddii lagu qabto ay wajihi karto xarig, ganaax culus ama in dalka laga musaafuriyo dadka aan haysan dhalashada Imaaraadka.

Nidaamka Shaariqah ayaa salka ku haya qiyamta diinta iyo dhaqanka ee muxaafidka ah, halka Abu Dhabi iyo Dubai ay u weecdeen nidaam xorriyad ballaaran leh oo ku salaysan caalamiyeynta. Dadka dhaliila siyaasadahan cusub ayaa ku doodaya in isbeddelkani uu ka hor imaanayo mabaadi’da dastuuriga ah ee qeexaysa haybta Carabnimo ee Imaaraadka, in Islaamku yahay diinta rasmiga ah ee dalka, iyo in shareecada Islaamku ay tahay isha ugu weyn ee sharci-dejinta.

Bixinta shatiyada lagu oggolaanayo cayaaraha khamaarka, oo ay ku jiraan mashaariicda Kasiinooyinka (Casinos) iyo sharadka, ayaa sidoo kale sii xoojisay dooddan. Marka la eego indhaha xubnaha muxaafidka ah ee gudaha Shaariqah iyo meelo kaleba, isbeddelladan, oo lagu daray heshiisyada lala yeeshay “Israa’iil”, ayaa ka dhigan ka weecasho qoto dheer oo lagaga baxay haybtii iyo dabiicaddii uu ku aasaasmay isbaheysiga dalkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News