Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shaaciyay inuu khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, xilli Somaliland ay u dabaal-degeysay munaasabadda 18-ka May oo ku beegan maalintii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen xiriirka labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu si rasmi ah ugu hambalyeeyay shacabka Somaliland munaasabadda 18-ka May, isaga oo codsaday in hambalyadaas loo gudbiyo shacabka Somaliland.
“Waxa aanu maanta telefoonka ku wada hadalnay Raysal Wasaaraha Dowladda Israa’iil, waxa uu iga codsaday inaan hambalyo gaadhsiiyo shacabka Somaliland,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro oo ka hadlayay munaasabadda xuska 18-ka May.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland kadib markii Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog uu Isniintii waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Somaliland u fadhiya Israa’iil, Maxamed Xaaji.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid diblomaasiyadeed oo weyn oo Somaliland u horseedi karta inay hesho taageero caalami ah oo dheeraad ah, xilli ay muddo dheer raadineysay aqoonsi rasmi ah oo caalami ah tan iyo sanadkii 1991-kii.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa si rasmi ah Somaliland ugu hambalyeysay munaasabadda 18-ka May, halka jasiiradda Taiwan ay iyaduna dirtay fariin hambalyo ah, taas oo muujinaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee Somaliland la leedahay qaar kamid ah dhinacyada caalamka..
Israa’iil ayaa bishii December ee la soo dhaafay noqotay dowladda kaliya ee caalamka ka tirsan ee aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland, oo muddo 35 sano ah raadinaysay aqoonsi tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii.
Si kastaba, Somaliland ayaa weli ku dhibtoonaysa inay hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo ay jiraan walaacyo ay qabaan caasimado badan oo caalamka ah, kuwaas oo ka baqaya in tallaabadaas ay caro gelin karto Soomaaliya, isla markaana ay dhiirrigelin karto dhaqdhaqaaqyo kale oo gooni-u-goosad ah oo ka jira dalal Afrikaan ah.
Aqoonsiga Israa’iil siisay maamulkan goostay ayaa dhaliyay dhaleeceyn xooggan oo uga timid dowladda Soomaaliya, oo muddo dheer ka soo horjeedday isku dayga Somaliland ee ah inay ka go’do Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale dhaleeceeyay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta, kuwaas oo labaduba sheegay in tallaabadaasi ay waxyeelleynayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Midowga Yurub ayaa isna dhaleeceeyay go’aankaas, halka Mareykanku uu sheegay inuu sii wadi doono aqoonsiga madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, “taas oo ay ku jirto dhulka Somaliland.”

