26.9 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

Madaxweyne Xasan oo gaaray magaalada Baydhaba + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe.

Madaxweynaha ayaa markii uu ka dagay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud salaan shafar ka qaatay ciidamo gaar ah oo loo diyaariyay soo dhaweyntiisa, kadibna waxa la galbiyay qasriga madaxtooyada ee magaalada Baydhaba.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe oo maanta ka dhaceysa gudaha magaaladaas, waxaana ka qayb-galaya wafuud iyo madax kala duwan.

Saaka waxaa Baydhaba gaaray Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo hoggaaminayay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Sidoo kale, Magaalada Baydhaba waxaa hadda ku sugan Madaxweyneyaasha HirShabelle, Waqooyi Bari, ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guuddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho iyo madax kale oo ka qayb-galeysa munaasabadda caleemo-saarka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah iyo bannaanka magaalada, si ay uga hortagaa isku day kasta oo lagu carqaladeyn karo calemo-saarka Aadan Madoobe.

Waxaa kale oo banaanka magaalada duqeymo ka fuliyay diyaaradaha dagaaka F-16 ee Turkiga, kuwaas oo xoojinayo amniga, si looga hortago isku day kasta oo lagu carqaladeynayo munaasabadda iyo amniga madaxda sare ee qaranka.

Si kastaba, ha’ahaatee Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana haatan magaalada Baydhaba ay martigelinaysa wufuud kala duwan iyo mas’uuliyiin heerar kala duwan leh oo ka qayb-galaya munaasabadda.

- Advertisement -

Read more

Local News