Baydhaba (Caasimada Online) – Ammaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa si weyn loo adkeeyay, halkaas oo lagu wado inay ka dhacdo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Ciidamo dheeraad ah ayaa la dhigay gudaha iyo daafaha, iyada oo sidoo kale hawada magaalada lagu arkayo diyaaradaha dagaalka F-16 ee ay leeyihiin Ciidamada Cirka, kuwaas oo wada dhaq-dhaqaaqyo dhanka amniga ah.
Sidoo kale, waxaa howlgalka amni xaqiijinta ka qayb qaadanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo iyagana si toos ah ugu jira hawada magaalada, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoonaan karo.
Ujeedka ugu wayn ayaa ah in laga hortago in la carqaladeeyo xafladda, maadaama ay bannaanka joogaan ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo marar kala duwan soo weeraray gudaha magaalada Baydhaba. Waxaa kale oo laga hortagayaa weerarro ka yimaada dhanka kooxda Al-Shabaab oo iyana ku xooggan gobolka Baay.
Caleemo-saarka waxaa ka qayb-galaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu maanta gaaro Koonfur Galbeed, waxaana kasii horreeyay wafdi hordhac u ah oo shalay gaaray halkaasi.
Sidoo kale mas’uuliyiin kala duwan oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo ay ku jiraan madaxweyneyaasha HirShabelle iyo Waqooyi Bari ayaa xalay ku hoyday Baydhaba, iyaga oo kulamo la yeeshay madaxweyne Aadan Madoobe.
Mas’uuliyiinta kale ee Baydhaba lagu soo dhaweeyay waxaa kamid ah ku simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guuddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Si kastaba, Xafladda caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inay noqoto mid si weyn loo soo agaasimay, iyadoo magaalada Baydhaba ay haatan martigelinayso wufuud iyo mas’uuliyiin u socda ka qeyb-galka munaasabadda.

