Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohmdimaha ayaa shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay Golaha Wakiillada doorashadii isku-sidkanayd ee 10-kii bishan ka dhacday dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa tiradoodu dhan tahay 92 xubnood, kuwaas oo intooda badan kasoo baxay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajir (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Shaacinta liiska xildhibaannada cusub ayaa imaneysa kadib markii Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shalay si kama dambays ah u ansixisay natiijada doorashada.
Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda ku caddeysay in aysan jirin wax cabasho rasmi ah oo laga gudbiyay natiijada doorashada muddadii sharciga ahayd, taas oo sahashay in si degdeg ah loo ansixiyo natiijada doorashada, sida ku cad qodobka 73-aad ee xeerka doorashooyinka qaranka.
Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeyb-galay 32 urur, oo u tartamay golaha wakiilada, iyadoo ay codeeyeen illaa 132,430 qof oo qaatay kaararka cod-bixinta, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka.
Kuraasta golaha wakiilada oo ah 95 ayaa waxaa hoggaanka u haya ururka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo helay 51 kursi, halka kaalinta labaad uu ku jiro NPU oo helay 14 kursi.
Si kastaba, doorashadan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida ay dowladda u wajaheyso xaaladda kala guurka, waxaana doorashooyinka diidan mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.
Hoos ka aqriso liiska la shaaciyay:






