Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay qorsheynayso in si rasmi ah loo bilaabo qodista shidaalka ee ceelka Holhol ee deegaannada Waqooyi Bari, kadib heshiis ay la gashay shirkad Soomaaliyeed oo loo xil-saaray sahaminta iyo qodista ceelkaas.
Ceelka Holhol, oo ka mid ahaa ceelashii ay sahmisay dowladdii Kacaanka ayaa noqonaya ceelka labaad ee shidaal laga soo saaro kadib ceelka Curad ee Galmudug, kaas oo loo xil-saaray dowladda Turkiga.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Maxamed Xaashi Carabeey oo hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in shirkaddaasi la filayo inay dhawaan billowdo howlaha sahaminta iyo qodista, isagoo xusay in mashruucu uu qeyb ka yahay qorshaha dowladda ee lagu horumarinayo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
Agaasime Carabeey ayaa tilmaamay in bulshada deegaanka ay si toos ah uga faa’iideysan doonto mashruuca, isaga oo sheegay in la abuuri doono fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo la xiriira howlaha sahminta iyo qodista shidaalka.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in gobollada Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin meelaha ugu qanisan macdanta Soomaaliya, balse ay ka jirto qodis sharci-darro ah oo loo baahan yahay in lagu beddelo nidaam sharciyeysan oo lagu maamulo kheyraadka dalka.
Carabeey ayaa xusay in Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ay diyaarisay hindise sharciyeed lagu maamulayo macdanta, kaas oo la horgeyn doono Baarlamaanka Soomaaliya marka uu dib u furmo, si loo helo hannaan sharci oo mideysan.
Si kastaba, haddii lagu guuleysto in si hufan loo maamulo soo saarista kheyraadka dabiiciga ah, Soomaaliya waxay fursad u heli kartaa inay ka gudubto caqabadaha dhaqaale iyo horumar la’aanta. Hase yeeshee, haddii lagu guuldarraysto maamul wanaaggiisa, waxaa suuragal ah in dalku wajaho khilaafyo iyo colaad kheyraad oo hor leh.

