24.8 C
Mogadishu
Sunday, July 12, 2026

Carruur Soomaali ah oo halis ku wajahaya Minnesota kadib muuqaal uu baahiyey Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Soomaalida, Muslimiinta iyo ururrada xuquuqda madaniga ah ee gobolka Minnesota ayaa si kulul u cambaareeyey muuqaal uu madaxweyne Donald Trump ku faafiyey bartiisa Truth Social, kaas oo muujinaya carruur Soomaali iyo Muslimiin ah oo u dabaaldegaya qalin-jabintooda fasalka xannaanada.

Muuqaalka oo soconaya 14 ilbiriqsi ayaa laga duubay munaasabad ka dhacday Gateway STEM Academy, oo ah dugsi charter ah oo ku yaalla magaalada St. Paul. Carruurta ayaa xirnaa koofiyado iyo khamiisyo buluug ah oo qalin-jabin, halka gabdhaha qaarkood ay xijaab xirnaayeen.

Muuqaalka waxaa markii hore baahiyey Somali TV of Minnesota, oo tabinayey xafladaha dhammaadka sannad-dugsiyeedka ee dugsiyada ay dhigtaan carruurta Soomaalida.

Trump ayaa muuqaalka laba jeer ku baahiyey Truth Social Isniintii. Markii hore wax faallo ah kuma uusan darin, balse markii labaad wuxuu raaciyey qoraal ka yimid akoon lagu magacaabo “End Wokeness”, kaas oo yiri: “Dugsi dadweyne oo ku yaalla St. Paul, Minnesota. Gabadh kasta waxay xiran tahay xijaab — iyaga oo weliba ku jira fasalka xannaanada.”

Inkasta oo Trump uusan si toos ah u sharxin sababta uu muuqaalka u faafiyey, hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu awooddiisa iyo taageerayaashiisa u adeegsaday inuu carruur yar yar ka dhigo bartilmaameed dood siyaasadeed iyo naceyb diimeed.

Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka ee CAIR iyo laantiisa Minnesota ayaa sheegay in tallaabada Trump ay halis gelin karto carruurta muuqaalka ka soo muuqatay iyo guud ahaan dugsigooda.

“Madaxweyne Trump wuxuu madashiisa caalamiga ah u adeegsaday inuu sii faafiyo naceybka Muslimiinta, isaga oo bartilmaameedsanaya carruur dhigata dugsi hoose,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen labada hay’adood.

CAIR waxay sheegtay in hadallada ama fariimaha naceybka ah ee ka yimaada hoggaamiye siyaasadeed ay dhiirrigelin karaan dadka doonaya inay weeraraan bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Ururka Somali American Partnership ayaa isna sheegay in carruurta Soomaalida aan loo adeegsan karin hurinta cabsi iyo kala-qeybsanaan.

“Soomaali-Mareykanku waxay qeyb muhiim ah ka yihiin taariikhda, nolosha maanta iyo mustaqbalka Minnesota,” ayuu ururku yiri.

“Carruurteennu waxay mudan yihiin in lagu aqoonsado kartidooda, halkii loo adeegsan lahaa hurinta naceybka Muslimiinta iyo dadka soo-galootiga ah.”

Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa sidoo kale Trump ku eedeeyey inuu weeraray carruurta sababo la xiriira dharkooda.

“Madaxweynaha Mareykanka wuxuu weerarayaa koox carruur ah oo ku jirta fasalka xannaanada, sababtoo ah dharka ay dugsiga u xirnaayeen,” ayuu Walz ku qoray barta X.

‘Carruurta waa khad cas’

Hoggaamiyeyaal Muslimiin, Masiixiyiin iyo Yuhuud ah ayaa Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay xarunta ganacsiga Karmel Mall ee Minneapolis, halkaas oo ay kaga digeen saameynta ay hadallada noocan ahi ku yeelan karaan carruurta iyo amniga bulshada.

Imaam Yuusuf Cabdulle, oo ah agaasimaha Islamic Association of North America, ayaa sheegay in carruurta Muslimiinta ahi ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan inay si buuxda uga tirsan yihiin Minnesota iyo Mareykanka.

“Waa inaan carruurteenna loo sheegin inaysan dalkooda ka tirsaneyn dharka ay xiran yihiin awgiis,” ayuu yiri.

Malika Dahir, oo hoggaamisa ururka Reviving Sisterhood, ayaa sheegtay in carruurtu aysan ahayn calaamado ay siyaasiyiintu u adeegsan karaan doodahooda.

“Carruurtu waa inay noqdaan khadkeenna cas. Ma aha astaamo la adeegsan karo; waa carruur u baahan in lagu ilaaliyo hadalladeenna iyo ficilladeenna,” ayay tiri.

Maamulka Gateway STEM Academy ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo Trump, balse agaasimaha dugsiga Mohamed Ahmed wuxuu sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay daryeelka iyo badqabka ardayda, qoysaskooda iyo shaqaalaha.

Wuxuu sheegay in dugsigu sii wadi doono abuurista jawi waxbarasho oo ammaan ah, ardaydana ku dhiirrigeliya kalsooni, iskaashi iyo inay gaaraan awooddooda buuxda.

Cabsi soo noqnoqotay

Murankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Soomaalida Minnesota ay muddooyinkii dambe sheegeen inay wajahayaan hadallo siyaasadeed oo isa soo taraya, kuwaas oo la xiriirinaya Soomaalida dembiyo, musuq iyo soo-galooti sharci-darro ah.

Trump ayaa bishii December Soomaalida ku tilmaamay “qashin”, isagoo sidoo kale sheegay in Minnesota ay Soomaalidu ka dhigeen “meel halaag ah”. Hadalladaas ayaa markaas cambaareyn kala kulmay Walz, ururrada xuquuqda iyo hoggaamiyeyaasha Soomaalida.

Deegaanka Minneapolis–St. Paul waxaa ku nool tobannaan kun oo qof oo asal ahaan Soomaali ah, kuwaas oo muddo dheer qeyb muhiim ah ka ahaa dhaqaalaha, siyaasadda iyo nolosha bulshada Minnesota.

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ayaa sheegay in cabsidoodu aysan ku salaysneyn hadallo keliya.

Bishii May, nin ay boolisku sheegeen inuu watay laba mindi ayaa lagu xiray bannaanka masaajid ku yaalla Lakeville, kaddib markii shaqaalaha masaajidku sheegeen inuu dhaqmayey si laga shakiyey.

Dhacdadaas ayaa timid xilli ay bulshooyinka Muslimiinta Mareykanka ka walaacsanaayeen weerarro iyo hanjabaado ka dhan ah masaajidda iyo xarumaha Islaamiga ah.

Jaylani Hussein, agaasimaha CAIR-Minnesota, ayaa hore u sheegay in muddo saddex sano ah gobolka laga diiwaangeliyey in ka badan 40 dhacdo oo isugu jira gubid, burburin iyo qalqal lagu sameeyey masaajidda, kuwaas oo sababay khasaare ka badan saddex milyan oo dollar.

Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa hadda ku baaqaya in carruurta laga fogeeyo dagaallada siyaasadda, iyaga oo sheegay in qof kasta oo haysta madal dadweyne, gaar ahaan madaxweynaha dalka, ay waajib ku tahay inuu carruurta ilaaliyo halkii uu khatar gelin lahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News