Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa saaka ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka guddoomiyenimada Golaha Guurtida, taas oo uu ku shaaciyay fadhi aan caadi ahayn oo goluhu yeeshay.
Go’aanka Saleebaan ayaa imanaya kadib in ka badan 22 sano oo uu hoggaaminayay Golaha Guurtida Somaliland, iyadoo is-casilaaddiisa uu ku sababeeyay duruufo shaqsiyeed, oo ay ugu horreyso da’da.
“Waan daalay, da’ ayaa gaaray. Haddii maskaxdu joogtana muruqii ayaa maqan oo tallaabadeydu way gaabinaysa. Marka inta xasuustu tagin, waxaa isleeyahay ha ka gaadhsiisid. Odeyaal, waxaan idinka codsanayaa in wanaaggii hore iigu dartaan oo maanta i fasaxdaan. Is-casilaaddiina waan saxiixayaa,” ayuu yiri Saleebaan Maxamuud Aadan.
Saleebaan Maxamuud Aadan oo 92 jir ah ayaa xilka guddoomiyaha Golaha Guurtida hayay tan iyo sannadkii 2004, waxaana lagu tiriyaa siyaasiyiinta ugu muddada dheer ee xil sare ka soo qabtay Somaliland.
Sababta ugu weyn ee xilka uu uga degayo ayaa ah da’diisa oo sii korortay iyo rabitaankiisa ah inuu ka nasto mas’uuliyadda culus ee uu muddada dheer soo hayay.
Muddadii uu hoggaaminayay Golaha Guurtida, Saleebaan wuxuu door muuqda ka qaatay xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo fududeynta wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Somaliland. Taageerayaashiisu waxay ku ammaanaan kaalintii uu ka qaatay ilaalinta xasilloonida iyo dejinta xiisadaha siyaasadeed ee soo noq-noqday.
Saleebaan iyo Golaha Guurtida ayaa sannado badan wajahayay dhaliilo uga imanayay xisbiyada mucaaradka, ururrada bulshada rayidka ah iyo falanqeeyayaasha siyaasadda, kuwaas inta badan la xiriiray muddo-kordhinno loo sameeyay hay’adaha dowladda iyo eedeymo ku saabsan in goluhu uusan si buuxda u gudan waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Si kastaba, is-casilaadda Saleebaan ayaa si rasmi ah u soo afjareysa sooyaalka mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu muddada dheeraa ee hay’adaha Somaliland.

