Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalka kasoo yeeray dowladda ee ku aadan in dibadbaxooda loo qorsheeyay saddex meelood, balse aan la shaacin magacyadooda, sida uu goor sii horreysay sheegay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxmed Axmed Diiriye (Yabooh).
Guddoomiye Yabooh ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ogoshahay mudarahaadka, balse waxa uu tilmaamay in mucaaradka ay dadka usoo baxaya ay kula hadli karaan goobaha ay dowladda u qorsheysay dibadbaxa.
“Dowladda banaanbaxa ma diidin waana ogoshahay waa la cayimay goobaha ay isugu tegi karaan waa saddex meelood haddaba meelahaas lagu banaanbaxaayo ayaa la rabaa in nimanka mucaaradka ay tagaan oo bulshada usoo baxdana ay kula hadlaan,” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh.
“Banaanbax hub laga daba sito oo qoryo lagu waardiyeynaayo ma banaanbaxaa? waa fowdo sideedaba hana ogolaanina,” ayuu sii raaciyay.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah mucaaradka, gaar ahaan Xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif, isaga oo sheegay in aysan ogolaan doonin in banaabaxooda loo xadido goobo gaar ah, wuxuuna ku adkeystay in berri oo Khamiis ah uu dhacayo mudaharaadka oo ka dhan ah dowladda dhexe.
Cabsida laga qabo in dagaal uu qarxo
Inkastoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay diidan tahay banaabax lagu ilaalinayo hub ayaa haddane Xildhibaan Jeesow wuxuu hoos u dhigay walaaca laga qabo dhaq-dhaqaaqyada iska soo horjeedo ee haatan socda inay isku beddelaan gacan ka hadal, wuxuuna sheegay in dhankooda aysan wadin wax colaad ah, isla markaana ay si nabad ah u baxanaanbixi doonaan.
“Meel naloo xadidaayo oo aan ogolnahay ma jirto annaga wax colaad ah oo aan hurineyno malaha mudaharaadka berri waayay, wuxuuna noogu dhacayaa si nabad ah,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in aysan wax gorgortan ah ka geli doonin goobaha uu ka dhacayo dibadbaxa, sidii horay u dhacday oo kale.
“Wax wada-hadal ah marnaba kama galeyno sida aan u mudaharaadeyno iyo sida aan xuquuqdeenna u muujineyno,” ayuu mar kale yiri Xildhibaanka.
Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan mucaaradka ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Muqdisho, iyaga oo isku kala qaybiyay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay ka bilaabeen abaabulka dibadbaxooda.

