Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo afaafka hore ee hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyadoo xaaladda amni ee halkaasi ay aad u kacsan tahay.
Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, iska horimaadka ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ciidamo ilaalo u ah Xasan Cali Kheyre, waxaana si weyn looga maqlayaa aagga guriga dhawaaqa rasaasta iyo hubka culus.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub kala duwan, taasoo sababtay cabsi soo wajahday dadka ku nool xaafadaha ku dhow halka uu dagaalku ka socdo.
Ka hor inta uusan dagaalku qarxin, guriga Xasan Cali Kheyre waxaa ka socday kulamo ay lahaayeen mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka, xilli mucaaradka wado qaban-qaabada banaanbax ballaaran oo ka dhan ah dowladda.
Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho ayaa sii korortay saacadihii u dambeeyay, iyadoo mucaaradku magaalada ku soo bandhigay awood ciidan, halka dhinaca kale ay socdaan dadaallo lagu doonayo in xaaladda lagu dejiyo wada-hadal.
Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad dhex-dhexaadinaya labada dhinac ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wada-hadal, haddii mucaaradku ka laabto qorshaha banaanbaxa isla markaana ay dib ugu noqdaan aagga xayndaabka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo ay hore uga soo guureen.
Hase yeeshee, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku adkaystay inay sii wadi doonaan qorshahooda banaanbaxa, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal balse aysan ka tanaasuli doonin isu-soo-baxa weyn ee ay qorsheeyeen in berri lagu qabto nawaaxiga Villa Soomaaliya.

