27.2 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Xuutiyiinta oo jawaab culus ka soo saaray booqashada uu C/raxmaan Cirro ku tegay Israel

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sanca (Caasimada Online) — Maamulka Xuutiyiinta Yemen ayaa si kulul u cambaareeyay safarka madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro uu shalay ku tagay Israel, xilli xiriirka sii xoogeysanaya ee Hargeysa iyo Tel Aviv uu weli abuurayo caro ballaaran oo ka taagan Soomaaliya, gobolka iyo dalal ka tirsan dunida Carabta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay magaalada Sanca ayaa bayaan ay soo saartay ku tilmaantay Cirro “madaxweynaha is-magacaabay ee Somaliland”, iyadoo sheegtay in booqashadiisa Israel ay tahay tallaabo ceeb ah oo sii fogeynaysa Hargeysa.

Bayaanka, oo ay daabacday wakaaladda wararka Saba ee ay maamulaan Xuutiyiinta, ayaa lagu yiri: “Qof kasta oo booqda, gacan qaada ama aqoonsada dambiilayaasha dagaalka ee Sahyuuniyadda waa inuu dareemaa ceeb iyo hoos-u-dhac.”

Wasaaradda ayaa Israel ku eedeysay in gacmaheedu “ku wasakhoobeen dhiigga Carabta” ee Falastiin, Lubnaan, Iran iyo Yemen, iyadoo ku tilmaantay Israel cadowga ummadda Islaamka iyo goobaha barakeysan.

“Xiriirka sii kordhaya ee Hargeysa la sameyneyso Israel waxba kama tarayo danaha Somaliland, mana gaarsiinayo ujeeddooyinka ay raadineyso,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Maamulka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka Hargeysa iyo Tel Aviv uu Somaliland ka sii fogeyn doono deegaanka Carabta iyo Islaamka, halkii uu u horseedi lahaa aqoonsi iyo taageero siyaasadeed oo ballaaran.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dalalka Carabta looga baahan yahay in aysan ku ekaan cambaareyn afka ah, balse ay qaadaan “tallaabooyin muuqda” oo looga hortagayo waxa uu ku tilmaamay “tallaabooyinka ceebta ah” ee Hargeysa.

Cambaareynta Xuutiyiinta ayaa imaneysa xilli Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro uu gaaray Israel, safar loo arko mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee Hargeysa qaaddo tan iyo markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobay oo si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in safarka Cirro uu qeyb ka yahay dadaal lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, islamarkaana lagu wado in lagu furo safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus, oo Hargeysa ay u aqoonsatay caasimadda Israel.

Tallaabadaas ayaa si weyn uga careysiisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Midowga Afrika ayaa horey u diiday aqoonsiga Israel ee Somaliland, isagoo sheegay in tallaabadaas ay ka hor imaaneyso mabda’a ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dhuleed ee dalalka Afrika.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in xiriirka Israel iyo Somaliland uu qeyb ka yahay qorshe khatar ku ah gobolka Geeska Afrika, halka Hargeysa ay ku adkeysaneyso in ay xaq u leedahay sameysashada xiriir dibadeed oo u adeega danaheeda amni, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed.

Bayaanka Xuutiyiinta ayaa muranka Somaliland iyo Israel siinaya xagal cusub oo ku xiran Badda Cas iyo siyaasadda gobolka.

Xuutiyiinta, oo taageero ka hela Iran, ayaa muddooyinkii dambe si weyn ugu lug lahaa xiisadaha ka taagan Badda Cas, iyagoo weeraro ku qaaday maraakiib ay ku sheegaan inay xiriir la leeyihiin Israel ama ay u socdaan dekedaha Israel.

Maamulka Sanca ayaa sheegay in Israel aysan ku guuleysan doonin qorshayaasheeda ku wajahan Soomaaliya iyo Geeska Afrika, isagoo ballan qaaday in Yemen ay ka hor imaan doonto dadaalladaas.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xuutiyiintu ay si buuxda u taageerayaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si ay uga hortagto waxa ay ku tilmaameen “mashruuc Sahyuuni ah” oo lagu beegsanayo Soomaaliya, Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News