Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo weli ku sugan magaalada Tel Aviv ayaa sii wada kulamo uu la qaadanayo madaxda sare ee Israa’iil.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, kaas oo xafiiskiisa si hab-maamuus leh ugu soo dhaweeyey isaga iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga halkaasi.
Labada dhinac oo kulankan ay ku wehlinaayeen mas’uuliyiin sar sare iyo diblumaasiyiin ka kala socda Hargeysa iyo Tel Aviv ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xiriirka labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda.
Madaxweynaha Somaliland oo madasha ka hadlay ayaa marka hore ka mahadceliyay qaabilaada, wuxuuna sidoo kale sheegay in xiriirka labada dhinac uu galay waji cusub, ayna ku faraxsan yihiin ka dowlad ahaan.
“Xiriirka Somaliland iyo Israa’iil wuxuu galay weji cusub, oo labada dal ka shaqeynayaan iskaashiyo dhinacyo badan ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
Kulankan waxaa ka horreeyay shirar kale oo uu xalay Cabdiraxmaan Cirro la galay maalgashadayaal iyo ganacsato oo uu kala hadlay fursadaha ka jira deegaannada Somaliland, gaar ahaan xagga beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, macdanta, shidaalka iyo khayraadka kale ee uu Alle ku manneystay.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in Cabdiraxmaan Cirro uu gaaro xafiiska Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu oo uu la yeelan doono kulan ay uga wada-hadlayaan xiriirka cusub ee u bilaabmay Hargeysa iyo Tel Aviv, si horay loogu sii wado, inkastoo uu abuuray xasaasiyad wayn oo gudaha iyo dibadda ah.
Booqashada madaxweynaha Somaliland ee Israa’iil oo qaadan doonta muddo shan cisho ah ayaa waxa uu maamulka Somaliland ku tilmaamtay mid calaamad u ah marxalad cusub oo muujinaysa dedaallada Somaliland ku ballaarinayso xiriiradeeda caalamiga ah, iyadoo dunida u muujinaysa doorkeeda sii xoogaysanaya ee dhinacyada nabadda, dimuqraadiyadda, iskaashiga gobolka iyo horumarka.
Si kastaba, safarka Cirro ayaa imaanaya xilli maamulka Somaliland uu qorsheynayo inuu safaarad ka furto magaalada Qudus, taas oo ka dhigaysa in qeybo kamid ah Soomaaliya laga aqoonsaday sheegashada Israa’iil ee magaalada barakeysan.


