Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar oo maanta la kulmay Madaxweynaha Somaliland oo booqasho ku jooga Tel Aviv ayaa kashifay arrin uu muddo dheer qarinayay Cabdiraxmaan Cirro.
Gideon Sa’ar oo ka hadlay kulanka ay yeesheen labada mas’uul ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland uu bishii Oktoober ee sanadkii 2025 safar qarsoodi ahaa ku tegay Tel Aviv, kadibna uu xigay ictiraafka ay siisay Israa’iil.
Inkastoo Somaliland ay horay u qarisay booqashadaas oo waraahinta waa wayn qaarkood ay tabiyeen ayaa hadda booqashada uu ku joogo Israa’iil waxa ay noqoneysaa middii labaad, taas oo lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac.
“Waa kulankii labaad oo aan ku yeelaneyno qolkaan, kii hore wuxuu ahaa mid qarsoodi ah oo dhacay bishii October ee sanadkii 2025, Warbaabinta ma ogeyn,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil.
Waxaa kale oo uu intaas sii raaciyay “Booqashadaasi waxaa ku xigay Aqoonsiga ay Israa’iil shaacisay in ay siisay Somaliland”.
Dhanka kae, Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa kulankooda oo saacado qaatay uga wada wada-hadlay arrimo ku aadan xiriirka labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda cusub.
Cabdiraxmaan Cirro oo sidoo kale madasha ka hadlay ayaa marka hore ka mahadceliyay qaabilaada, wuxuuna sidoo kale sheegay in xiriirka labada dhinac uu galay waji cusub, ayna ku faraxsan yihiin ka dowlad ahaan.
“Xiriirka Somaliland iyo Israa’iil wuxuu galay weji cusub, oo labada dal ka shaqeynayaan iskaashiyo dhinacyo badan ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.
Safarka Cirro ayaa imaanaya xilli maamulka Somaliland uu qorsheynayo inuu safaarad ka furto magaalada Qudus, taas oo ka dhigaysa in qeybo kamid ah Soomaaliya laga aqoonsaday sheegashada Israa’iil ee magaalada barakeysan.

