27.3 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Cirro oo war cusub ka soo saaray saldhig militari oo Israel ay ku yeelato Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jerusalem (Caasimada Online) — Hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa sheegay inuusan meesha ka saari karin in mustaqbalka Israa’iil ay saldhig militari ku yeelato Somaliland, oo ah gobol ku yaalla waqooyi-galbeed Soomaaliya.

Cirro ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka i24NEWS, xilli uu ku sugan yahay Israa’iil, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda sare ee dalkaas, islamarkaana uu furay waxa maamulkiisu ku sheegay “safaaraddii” ugu horreysay ee Somaliland ku yeelato magaalada Qudus.

Markii la weydiiyay suurtagalnimada saldhig militari oo Israa’iil ay ka sameysato Somaliland, Cirro si cad uma diidin, wuxuuna sheegay in arrimaha noocaas ah ay ku xirnaan doonaan sida uu u kobco xiriirka labada dhinac.

Hadalkaas ayaa yimid xilli wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, uu dhankiisa sheegay in Israa’iil ay tababar siineyso ciidamada booliska iyo kuwa milatariga Somaliland, balse uu beeniyay in ay hadda socdaan wada-hadallo ama qorshe ku saabsan saldhig militari oo Israa’iil laga siiyo halkaas.

Arrintan ayaa xiise gaar ah yeelatay kadib markii wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, uu Arbacadii sheegay in Israa’iil iyo Somaliland ay sanado badan yeesheen iskaashi hoose oo aan si rasmi ah loo shaacin.

“Isra’iil iyo Somaliland waxay leeyihiin saaxiibtinimo muddo dheer soo jirtay oo ku dhisan dano wadaag ah, qiyam dimuqraadi ah, iyo ka go’naan amni iyo xasillooni,” ayuu Katz yiri kadib kulan uu la yeeshay Cirro, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiskiisa.

“Sanado badan waxaan iska kaashaneynay si hoose hawlo taxane ah oo qarsoodi ahaan doona,” ayuu raaciyay.

Katz ayaa sheegay in Israa’iil ay hadda go’aansatay inay sare u qaaddo iskaashiga amni ee ay la leedahay Somaliland, isaga oo yiri labada dhinac waxay doonayaan inay gaarsiiyaan xiriirka amni “heerar cusub”.

Xafiiska Katz ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland.

Duulimaadyo toos ah

Wareysiga uu siiyay i24NEWS, Cirro ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyo toos ah oo isku xira Israa’iil iyo Hargeysa ay bilaaban doonaan “aad u dhow”.

Balse ballan-qaadkaas wuxuu u baahan yahay hab-raacyo duulimaad iyo oggolaansho dhanka hawada ah, maadaama dowladda federaalka Soomaaliya ay maamusho hawada Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay, oo ay ku jiraan waddooyinka duulimaadyada ee mara Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku adkeysatay in xiriir kasta oo diblomaasiyadeed, amni ama siyaasadeed oo lala sameynayo Somaliland uu maro dowladda federaalka Soomaaliya.

Cirro ayaa wareysiga ku difaacay go’aanka uu maamulkiisu ugu furtay xarunta Qudus, isagoo yiri: “Caadiyan safaaradaha waxaa laga furaa caasimadaha dalalka is aqoonsada.”

Qudus ayaa ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee khilaafka Falastiin iyo Israa’iil. Israa’iil waxay magaalada oo dhan u aragtaa caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay Qudus Bari u doonayaan caasimadda dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhalata.

Inta badan dalalka caalamka waxay safaaradahooda ku leeyihiin Tel Aviv, iyagoo ka fogaanaya tallaabo loo fasiran karo in ay aqoonsan yihiin sheegashada Israa’iil ee Qudus.

Dekedda Berbera

Cirro ayaa wareysigiisa ku sheegay in Dekedda Berbera ay muhiim u tahay dadaallada Somaliland ku dooneyso xiriirro caalami ah, isagoo sheegay inay u noqon karto marin Itoobiya iyo dalalka kale ee aan badda lahayn ee Afrika.

Wuxuu sheegay in dekeddaas ay daneynayaan Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Israa’iil iyo dalal kale.

Markii la weydiiyay haddii Somaliland ay door ka ciyaari karto ka hortagga halista Xuutiyiinta Yemen ee Badda Cas, Cirro ayaa sheegay in Somaliland “aysan cidna cadow ku ahayn”, balse ay xaq u leedahay inay is difaacdo.

Wuxuu sheegay in maamulkiisu uu doonayo taageero caalami ah oo lagu xoojiyo awoodda ciidamadiisa ilaalada xeebaha.

Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay Somaliland ka caawin karto dhinacyada beeraha, biyaha, caafimaadka iyo amniga. Wuxuu sheegay in siddeed carruur ah oo Somaliland ka yimid, kuwaas oo qaba xanuunno wadnaha ah, lagu daweyn doono Israa’iil inta uu socdaalka ku guda jiro.

Cirro ayaa sheegay inuu filayo in dalal kale ay raaci doonaan tallaabada Israa’iil ee ku saabsan aqoonsiga sheegashada madaxbannaanida Somaliland, balse ma uusan magacaabin dalalkaas mana bixin waqti rasmi ah.

“Aqoonsigu wuu imaan karaa dhowaan,” ayuu yiri.

Farriintiisa uu u diray dalalka weli aan aqoonsan Somaliland ayuu ku yiri: “Fadlan ku soo biira ka hor inta aysan goori goor noqon. Cidda ugu horreysa waxay heli doontaa fursadda ugu wanaagsan.”

Intii uu ku sugnaa Qudus, Cirro ayaa sidoo kale lagu guddoonsiiyay billadda Friends of Zion Award, oo ah abaal-marin la xiriirta hay’ad si dhow ugu xiran taageerada Israa’iil.

Dadka dhaliila abaal-marintaas ayaa sheegaya inay xambaarsan tahay miisaan siyaasadeed, maadaama Matxafka Friends of Zion uu xiriir dhow la leeyahay dhaqdhaqaaqyada Christian Zionist iyo ololayaasha taageera Israa’iil.

Falastiiniyiin iyo falanqeeyayaal Carab ah ayaa inta badan u arka abaal-marinnada noocaas ah qeyb ka mid ah dadaal lagu sharciyeynayo maamulka Israa’iil ee Qudus, laguna abaal-marinayo madaxda taageerta mowqifyada Israa’iil ee magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diidday aqoonsiga Israa’iil ee sheegashada Somaliland iyo furitaanka xarunta Qudus.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News