27.6 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Mareykanka oo Itoobiya kala saftay Masar – Sidee?

Bookmark
Bookmarked

Share

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa qiray in muranka ka taagan biyaha Webiga Nile uu weli culeys weyn ku hayo xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar, isaga oo tilmaamay in tallaabooyinka ay Addis Ababa ku maareysay mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) ay walaac xooggan ku abuureen Qaahira.

Trump ayaa arrintan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi, isagoo xusay in dowladdiisu ay dhowr jeer isku dayday inay dhexdhexaadiso labada dal si loo gaaro heshiis waara oo ku saabsan qaybsiga biyaha Nile, balse dadaalladaas aysan weli dhalin natiijadii la filayay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Masar ay si weyn ugu tiirsan tahay biyaha Nile, isla markaana ay muhiim tahay in la tixgeliyo baahida iyo amniga biyaha ee dhammaan dalalka uu webigu maro. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xal kasta oo lagu dhammeeyo muranka uu ku yimaado wada-hadal iyo is-afgarad, taas oo ah waddada ugu habboon ee lagu yareyn karo xiisadda.

Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay Itoobiya inay ka leexatay heshiisyo iyo is-afgaradyo hore oo la isku dayay in lagu xalliyo muranka, isagoo sheegay in arrintaas ay sii kordhisay walaaca Masar. Wuxuu ku baaqay in dib loo billaabo wada-hadallo miro-dhal ah oo ay taageerayaan dhinacyada caalamiga ah.

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Masar ayaa salka ku haya Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya oo laga dhisay Webiga Nile ee Buluugga ah, kaas oo Addis Ababa ay ku tilmaantay mashruuc muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo koronto-soo-saarka dalka. Masar se waxay ka cabsi qabtaa in mashruucu saameyn ku yeesho saamigeeda biyaha Nile.

Itoobiya ayaa hore u diidday qaar ka mid ah dadaalladii dhexdhexaadinta ee Mareykanka, gaar ahaan xilligii ay socdeen wada-hadalladii la xiriiray buuxinta iyo howlgelinta biyo-xireenka.

Dowladda Itoobiya waxay xilligaas ku eedeysay Washington in aysan dhexdhexaad ahayn, isla markaana ay u janjeerto dhinaca Masar, taasoo keentay inay ka fogaato heshiisyadii la soo jeediyay.

Inkasta oo biyo-xireenka GERD uu hadda si rasmi ah u shaqeynayo, haddana muranka ku saabsan sida loo maareynayo biyihiisa iyo saameynta uu ku yeelan karo dalalka hoose ee webiga ayaa weli taagan.

Beesha caalamka ayaa marar badan ku baaqday in Itoobiya, Masar iyo Suudaan ay gaaraan heshiis sharciyeed oo dhammaystiran si looga hortago xiisado hor leh oo ka dhasha arrintan.

- Advertisement -

Read more

Local News