26.1 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Mahad Salaad oo gaaray Dhuusamareeb + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, isaga oo hoggaaminaya wafdi ballaaran.

Wafdiga uu hoggaaminayo Mahad Salaad ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo saraakiil amni.

Safarka Agaasimaha NISA ayaa la sheegay inuu hordhac u yahay booqasho uu maalmaha soo socda ku tagi doono Dhuusamareeb Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah diyaarinta kulammo iyo wada-tashiyo lala yeelanayo madaxda sare ee Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaannada maamulkaasi.

Kulammada la qorsheeyay ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha doorashooyinka, amniga, xasillinta deegaannada la xoreeyay iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee ka socda Galmudug.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hanaanka doorashada qof iyo cod ee wado Villa Somalia.

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan walaac xooggan ka muujiyay sida uu wax u wado guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, isagoo ku baaqay in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, daah-furan isla markaana lagu wada kalsoon yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News