Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay dowlad-goboleedka HirShabelle, gaar ahaan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay labada maleeshiyo beeleed oo wada daga degmadaasi.
Shariif ayaa marka hore shaaca ka qaaday inuu ka xun yahay khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dagaalladan oo galay maalintii saddexaad, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay si deg-deg ah ku joojiyaan.
“Waxaan baaq nabbadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, anigoo aad uga xun khasaaraha naf iyo maalba leh ee colaadaas sokeeye ka dhashay,” ayuuu yiri Madaxweynihii hore.
Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada ka dalbaday inay qaataan kaalintooda ku aadan sidii looga hortagi lahaa colaadaas oo saameynteeda laga dareemay gobolka Hiiraan.
Waxaa kale oo uu soo jeediyay in loo gurmado dadka rayidka ah ee ay saameysay colaadda, maadaama ay ka barakaceen guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaalka beeleedka ka qarxay Jalalaqsi.
Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo maleeshiyaadka labada dhinac ay saaka isku horfadhiyaan gudaha Jalalaqsi, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dhinacyadu ay sku fara saaraan halkaas, maadaama ay wadaan is uruursi ciidan.
Intii ay socdeen dagaalladan oo ahaa kuwa qaraar waxaa dhashay gabood fallo waa wayn, iyada oo dhimashada iyo dhaawaca uu tiro beel yahay. Waxaa sidoo kale la gubay guryo badan oo ku yaallay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan ilo dadka deegaanka oo lagu kalsoonaan karo.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo maleeshiyaadka iyo dad kale oo shacab ah oo gubaya guryo laga barakacay, waxaynta taas kordhisay saameynta dagaalkan oo kusii fidaya aagga degmada Jalalaqsi.


