Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdigan ayaa hordhac u ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo lagu wado inuu berri gaaro magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale xubnaha wafdiga ee lagu soo dhaweeyay halkaas waxaa kamid ah ilaalada gaarka ah ee Ra’iisul wasaaraha.
Qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale hadda laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, oo uu ka bilaabi doono kulamo, sida ay soo sheegayaan Wariyeyaal ku sugan deegaannada Galmudug.
Dhanka kale, ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha muhiimka ah ee caasimada, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa gud, una sugaan amniga Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa.
Waxaa sidoo kale, magaalada haatan ku sugan Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad oo wada-hadallo dhowr wareeg ah la galay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), kuwaas oo looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.
Wararka ayaa sheegaya in dadaallada socda uu sidoo kale ka qayb-geli doono Ra’iisul wasaare Xamza, si loo qanciyo Qoor Qoor, kadibna doorasho qof iyo cod ah looga qabto deegaannada Dowlad-goboleedka Galmudug.
Wada-hadallada ayaa ah kuwa adag, maadaama uu jiro khilaaf labada dhinac ah oo sababay in dhawaan uu Qoor Qoor dhabarka xijiyay Villa Soomaaliya, maadaama ay isku qabteen sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka Galmudug ee dhawaan dhici doono.
Villa Somalia ayaa dooneysa in isbeddel siyaasadeed laga sameeyo Galmudug, isla markaana doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo bisha July lagu doorto musharrax ka imaan doona urur-siyaasadeedka JSP. Waxaa aad loo hadal hayaa in musharraxaasi noqon karo ganacsade Liibaan Axmed Xasan, haddii uusan isbeddelin mowqifka taageerada madaxtooyada ee ku aaddan ninkaas.
Si kastaba, ha’ahaatee, dadka reer Galmudug ayaa isha ku haya xiisadda taagan, oo ay garowsan yihiin inay khatar dhab ah ku tahay jiritaanka Galmudug, isla markaana ay sii kala fogeyn karto bulshada maamulkaasi.

