26.8 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Xuutiyiinta oo go’aan culus soo saaray kadib askartii ay Israa’iil gaysay Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa si adag uga digay in ciidamo Israel ama Mareykan ah ay saldhig ama joogitaan militari ku yeeshaan biyaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in tallaabo noocaas ah loo arki doono “bartilmaameed sharci ah”.

Mohammed al-Farah, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Ansarullah, ayaa sheegay in kooxdu si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada ka socda Badda Cas, marin-biyoodka Baab al-Mandab iyo xeebaha ku dhow Soomaaliya, gaar ahaan kadib warbixinno muran dhaliyay oo sheegayay in Israel ay ciidamo geysay Somaliland.

“Waxaan Badda Cas iyo marin-biyoodka Baab al-Mandab u aragnaa meel istiraatiiji ah oo aad muhiim u ah,” ayuu yiri Farah.

Wuxuu intaas ku daray in dhaqdhaqaaq kasta oo ay sameeyaan “cadowga Sahyuuniyadda iyoMareykanka” loo fasiran doono isku day lagu doonayo in saameyn colaadeed lagu yeesho gobolka, lagu maamulo marin-biyood muhiim ah, isla markaana lagu khatar geliyo amniga dalalka gobolka, oo ay ku jirto Sacuudiga.

Hadalkan ayaa imanaya xilli xiisadda Badda Cas ay weli sareyso, kadib markii Xuutiyiintu ay tan iyo bilowgii dagaalka Gaza weerarro ku qaadeen maraakiib ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israel. Tallaabooyinkaas ayaa Baab al-Mandab ka dhigay mid ka mid ah marinnada badeed ee ugu halista badan caalamka.

Baab al-Mandab waa marin dhuuban oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, wuxuuna u dhexeeyaa Yemen, Jabuuti iyo Eritrea. Khalkhal kasta oo ka dhaca halkaas wuxuu saameyn karaa ganacsiga caalamiga ah, maraakiibta shidaalka iyo howlgalada ciidamada badda ee dalal shisheeye.

Al-Farah ayaa sheegay in joogitaan militari oo Israel ku yeelato biyaha Soomaaliya uu noqon doono halis toos ah oo ku wajahan Yemen.

“Annaga Yemen ahaan, dhaqdhaqaaqyada noocaas ah waxaan u aragnaa khatar toos ah oo ku wajahan amniga qaranka Yemen iyo madax-bannaanideeda,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Abdul-Malik al-Houthi, uu hore u bixiyay “digniin cad oo adag”, taas oo ku saabsan in joogitaan kasta oo Israel ama Mareykanku ku yeeshaan gobolka Somaliland “si xoog leh loola macaamili doono”.

Al-Farah ayaa ku adkeystay in Xuutiyiintu ay tallaabadaas u arki doonaan “khad cas” iyo “bartilmaameed sharci ah”.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray doodda ah in saldhigyo shisheeye ama ciidamo ka socda dalal dibadeed loo baahan yahay si loo sugo amniga Badda Cas. Wuxuu sheegay in mas’uuliyaddaas ay saaran tahay dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa ku teedsan marin-biyoodka.

“Badda Cas ma aha meel u furan quwadaha shisheeye,” ayuu yiri, isaga oo Israel iyo Mareykanka ku eedeeyay inay doonayaan inay marin-biyoodka u adeegsadaan “ajendeyaal Sahyuuni ah, gardarro iyo qorshayaal Mareykan ah”.

Digniintan ayaa daba socota warbixin uu baahiyay Middle East Eye, oo ay xigtay Somalia Today, taas oo sheegtay in Israel ay ku dhowaad 50 askari u dirtay Somaliland kadib markii ay aqoonsatay maamulkaas bishii December.

Warbixinta, oo soo xiganeysay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in sirdoonka Soomaaliya uu rumeysan yahay in askartaasi ay yimaadeen kadib markii uu dib u billowday dagaalka Israel iyo Iran dabayaaqadii Febraayo.

Sarkaalku wuxuu sheegay in Israel ay si gaar ah u dooratay askar asal ahaan ka soo jeeda Afrika, “gaar ahaan Itoobiyaan”, si aan loo dareemin dhaqdhaqaaqooda.

Militariga Israel ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga jawaabo eedeynta, isaga oo sheegay in arrintani ay “khuseyso dhinaca siyaasadda”, sida ay qortay warbixintu.

Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa markii dambe si kooban u beenisay warbixinta, iyadoo dhowr akoon oo rasmi ah ku qortay: “FAKE NEWS”.

Maamulka Somaliland wali si cad uma uusan xaqiijin eedeynta la xiriirta in ciidamo Israel ah la geeyay dhulkiisa.

Dhinaca kale, wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa hore u beeniyay in Israel ay saldhig militari ka sameysatay Somaliland, balse wuxuu xaqiijiyay in ay jirto taageero dhanka amniga ah.

“Ma jiro joogitaan militari ama saldhigyo militari oo Israel ku leedahay Somaliland,” ayuu yiri. “Laakiin Israel way caawineysaa Somaliland… waxay naga taageereysaa tababar loo sameynayo qaar ka mid ah booliska iyo militariga.”

Hadalkaas ma uusan joojin shakiga ku saabsan nooca xiriirka amni ee cusub ee ka dhex sameysmay Israel iyo Somaliland.

Wasiirka gaashaandhigga Israel, Israel Katz, ayaa intii uu la kulmayey hoggaamiyaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, sheegay in labada dhinac ay muddo dheer lahaayeen xiriir amni oo qarsoodi ahaa.

“Sanado badan ayaan si qarsoodi ah isaga kaashanay howlgallo kala duwan oo weli qarsoodi ahaan doona,” ayuu yiri Katz.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isna shir ganacsi oo ka dhacay Tel Aviv ku sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay maalgashi iyo iskaashi cusub oo ay la yeelato Israel.

“Somaliland waxay u furan tahay ganacsi, Somaliland-na waxay diyaar u tahay maalgashiga Israel,” ayuu yiri.

Aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland 26-kii December ayaa soo dhoweeyn ka helay Hargeysa, balse si adag uga careysiiyay Muqdisho.

Dekedda Berbera, oo ah dekedda ugu weyn gobolka Somaliland, waxay ku taallaa Gacanka Cadmeed, meel aan ka fogeyn marinnada laga galo Baab al-Mandab. Taas ayaa ka dhigeysa goob istiraatiiji ah oo ay daneyn karaan quwadaha doonaya inay saameyn ku yeeshaan marinada Badda Cas.

Xuutiyiinta ayaa bishan ku dhawaaqay xayiraad ay sheegeen inay saarayaan maraakiibta Israel ee mara Badda Cas, taas oo sii kordhisay cabsi laga qabo in joogitaan Israel ay ku yeelato meel u dhow Yemen uu Somaliland iyo biyaha Soomaaliya u beddeli karo goob cusub oo xiisad goboleed ka qaraxdo.

- Advertisement -

Read more

Local News