26 C
Mogadishu
Wednesday, June 24, 2026

Somaliland oo war kasoo saartay shacabkii lagu laayay Ari-Caddeeye

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Somaliland  Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo qaar kamid ah xubnaha Guurtida iyo Wakiilada ee laga soo doorto gobolka Sool ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Ari-Caddeeye ee dadka badan lagu laayay, kadib markii la beegsaday dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur, haween iyo dad da’ah.

Guddoomiye Faratoon oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa xusay in Somaliland ay ka xun taay dhacdadaasi, maadaama la laayay dad gaaraya illaa 21 qof.

“Annaga oo ah xubnihii goleyaasha Jamhuuriyadda Somaliand Guurtida iyo Golaha Wakiilada ee laga soo doortay gobolka waxaynu aad iyo aad uga xunahay oo aan halkan ka direynaa tacsi murugo leh oo aan ku tacsiyeyneyno dadkii walaalaha ahaa ee halkaa wada daganaa mashaqada ka dhex dhacday iyo geerida faraha badan leh ee halkaa ka dhacday,” ayuu yiri Faratoon.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale baaq u diray beelaha labada dhinac, wuxuuna ka dalbaday inay is xakameeyaan, isla markaana wada-hadal iyo deganaan ay ku dhameeyaan falka dhacay.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadkaas walaalaha ee aan kala maaranmeyn mashaqooyinka waa iska dhacaan in halkaa arrinta lagu hakiyo oo lagu joojiyo, sababtoo ah wax aan laga heshiin kareyn ma jiro,” ayuu markale yiri.

Sidoo kale, wuxuu kusii daray “Haddii ay sii socdaan nolol dambe jiri meyso wax isku ahaansho ma jirto, halkaas ayay kasii bilaabaneysaa dhibaato kale”.

Xaaladda deegaanka Ari-Caddeeye ee gobolka Sool ayaa hadda deggan, waxaana la wareegay ciidamada ammaanka ee Maamulka Waqooyi Bari, kadib markii gudaha magaalada laga saaray maleeshiyaadka labada beelood, waxaana haatan socdo baaritaano iyo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka Sool ay marar kala duwan ka dhacayeen xiisado iyo dilal la xiriira aanooyin hore iyo khilaafaad deegaan, iyadoo shacabka deegaanku ay ka cabsi qabaan in xaaladdu mar kale faraha ka baxdo haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

- Advertisement -

Read more

Local News