25.6 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Guddiga dastuurka oo DF u jeediyay dhaqan-gelinta dastuurka lagu muransan yahay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madax-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Burhaan Aadan Cumar oo ka hadlay dastuurka cusub ee lagu muransan yahay ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dowladda looga baahan yahay inay si buuxda u dhaqan-geliyaan dastuurka cusub.

Guddoomiye Burhaan Aadan ayaa ku tilmaamay inuu yahay saldhigga maamulka, sharciyeynta iyo hannaanka dowladnimo ee dalka. Burhaan ayaa xusay in hirgelinta dastuurka aysan ku koobnayn daabacaadda ama qaybinta nuqulladiisa, balse ay lama huraan tahay in hay’adaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorku ay shaqadooda ku saleeyaan qodobbada dastuurka.

Wuxuu sheegay in xeerarka muhiimka ah ee dalka ay sidoo kale u baahan yihiin in la waafajiyo Dastuurka cusub. Guddoomiyuhu ayaa tilmaamay in sharciyada la xiriira doorashooyinka, axsaabta siyaasadda iyo arrimaha maamulka dalka ay ka mid yihiin xeerarka mudnaanta leh ee u baahan in dib loo waafajiyo si ay ula jaanqaadaan qodobbada dastuurka.

Sidoo kale, Burhaan Aadan Cumar ayaa shaaca ka qaaday in guddigu diyaariyey nuqullo dijitaal ah oo dastuurka ah, kuwaas oo markii ugu horreysay u suuragelinaya shacabka Soomaaliyeed inay si toos ah uga helaan internet-ka.

Burhaan ayaa sheegay in adeeggan lagu bixin doono barnaamij ay horumarisay shirkad Soomaaliyeed oo ka shaqeysa dhinaca tiknoolajiyadda. Sidoo kalena wuxuu sheegay in geeddi-socodka dib-u-eegista iyo dhammaystirka dastuurka uu qaatay waqti ka badan qorshihii hore loo dejiyay, hase yeeshee uu ku tilmaamay guul muhiim ah in Soomaaliya ay maanta yeelatay dastuur ay ka shaqeeyeen hay’adaha dowladda iyo khubaro Soomaaliyeed.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in marxaladaha xiga ay ka mid yihiin dhismaha hay’adaha uu dastuurku farayo, waafajinta dastuurada dowlad-goboleedyada iyo dardargelinta hirgelinta qodobbada weli harsan ee la xiriira maamulka iyo nidaamka dowladeed.

Burhaan Aadan Cumar ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay si buuxda uga faa’iideystaan dastuurka cusub ee dhaliyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, isagoo xusay in nuqullada daabacan iyo kuwa elektaroonigga ahba la gaarsiin doono bulshada si kor loogu qaado wacyiga iyo dhaqan-gelinta dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News