Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga soo kabatay dhibaatooyinkii ka dhashay burburkii dowladnimada iyo colaadihii sokeeye ee muddada dheer saameynta taban ku yeeshay dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay soo martay marxalado kala duwan oo dhinacyada siyaasadda, amniga, nolosha iyo bulshada ah, hase yeeshee ay hadda dib uga soo kabanayso dhibaatooyinkii ay ka dhaxashay burburkii dowladdii dhexe.
Xamza ayaa tilmaamay in dalka uu galay heer cusub oo dib-u-dhis iyo xasillooni ah, isaga oo sheegay in horumarka laga sameeyey dhinacyo kala duwan uu muujinayo in Soomaaliya ay ka gudubtay caqabadihii waaweynaa ee hortaagnaa.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dalalkii iyo hay’adihii caalamiga ahaa ee hore uga fogaaday Soomaaliya ay haatan dib ugu soo laabanayaan dalka, iyaga oo danaynaya maalgashi iyo iskaashi dhaqaale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in kalsoonida caalamka ee Soomaaliya ay sii kordhayso, taas oo uu sheegay inay ka dhalatay horumarka laga gaaray dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida.
“Caalamkii naga tegay ayaa maanta dib noogu soo noqonaya isaga oo inoo baahan oo dalka maalgashanaya. Dalka horay ayuu u socdaa, meel walibana wuu ka soo kabtay, dibna uma noqon doonno, waxaana u gudbaynaa dhismo, nabad iyo xalal waara,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Federaalka ay xoojinayso dadaallada dib-u-dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga dibadda, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ay marar badan ku celceliyeen in Soomaaliya ay ka gudubtay marxaladihii adkaa ee ay soo martay.

