26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 27, 2026

Xogta duqeymo culus oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan duqeymo is xig-xigay oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamul-Goboleedka HirShabelle.

Howlgalladan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud, halkaas oo Khawaarijtu ka sameysatay xarumo abaabul, goobo tababar iyo meelo ay ku kaydsanayeen hub, rasaas iyo saanad ciidan.

Weerarkii ugu horreeyay oo dhacay 24-kii bishan, ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun abaabul oo Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Gayfo, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadkii ku sugnaa goobta iyo hubkii ay halkaas ku kaydsanaayeen.

Sidoo kale, 25-kii bishan ayaa la fuliyay saddex duqeyn oo is xigxigay, kuwaas oo lagu burburiyay xarun tababar oo Khawaarijtu ku lahayd deegaanka Ruun Idiris. Duqeyn kale ayaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday deegaanka Cali Gaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan oo kooxda u diyaarisay fulinta falal argagixisanimo.

Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya duqeymahan ayaa lagu dilay ku dhowaad 30 dhagarqabe oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay laba gaari, saddex mooto, hub, rasaas iyo saanad kale oo ay kooxdu u adeegsan jirtay abaabulka iyo fulinta falalka argagixisanimo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalladan ay sii socon doonaan, iyada oo u mahadcelisay saaxibada caalamiga ah ee ka qayb qaatay dagaalka lagula jiro argagixisada.

“Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan in howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ay si joogto ah uga sii socon doonaan dhammaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyey “Wasaaradda Gaashaandhigga waxay uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la dagaallanka argagixisada, kuwaas oo door muuqda ka qaatay taageerada howlgalladan”.

- Advertisement -

Read more

Local News