Beledweyne (Caasimada Online) – Macawiisleyda Beesha Xawaadle ee gobolka Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay hadalka soo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi oo maanta weerar afka ah ku qaaday Agaasimihii hore ee NISA, Cabdullahi Sanbaloolshe oo kasoo jeedo gobolkaasi.
Fiqi oo maanta Beledweyne uga qayb-galay xuska maalinta xorriyadda ee dalka Jabuuti ayaa sheegay in Sanbaloolshe iyo nimanka kale ee mucaaradka ee dhawaan magaalada Muqdisho kula dagaalamay dowladda ay doonayeen in la gubo caasimada, balse isku daygoodii laga hortegay, sida uu ku dooday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in nimanka sidaas sameeyay la fasaxay, isla markaana ay weli sii doodayaan, sida in dhib loo gaystay oo kale.
“Ninka madfaca kusoo riday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa wuxuu leeyahay waa lay soo weeraray ninka haamaha shidaalka dekedda rabay inuu gubo oo 10 mitir u jirsaday hoobihii uu riday haamaha magaalada oo dhan gubi lahaa ayaa wuxuu leeyahay waa lay dili rabay weligey ma cafinayo inuu noolyahay ayaa naxariis ah oo weliba la fasaxay,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Macawiisleyda Hiiraan oo sheegay inay garab taagan yihiin Sanbaloolshe, waxayna wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.
“Sanbaloolshe lama dili karo cidina uma gefi karto waa Libaax ina sankataabte ayaa la yiraahdaa haddii uu Fiqi Habargidir yahay, Sanbaloolshana waa nimanka la yiraahdo Xawaadle.” ayuu yiri sarkaal u hadlay Macawiisleyda.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in ay diyaar u yihiin inay difaacaan Sanbaloolshe, haddii la’isku dayo in khatar la geliyo nafsaddiisa.
“Sanbaloolshe kaligiis ma’aha ciidankiisa ayaana diyaar u ah haddii aan nahay Macawiisleyd waa kacsanahay waxayna diidan yihiin gardarrada,” ayuu sii raaciyay.
Si kastaba, Hadalkan ayaa daba socda is weerarka dhanka baraha bulshada ee muxaafadka iyo mucaaradka oo dhawaan dagaal toos ah uu ku dhex-mara xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

