Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo kooxdiisa.
Muungaab ayaa si kulul ugu jawaabay kooxda Nabad iyo Nolol oo maalmahan eedeymo u jeedinayay Dowladda Federaalka, wuxuuna tusaale ugu soo qaatay dhacdooyin dhacay xilligoodii, gaar ahaan qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Zoobe oo uu tilmaamay in aan la iloobi karin, sida uu hadalka u dhigay.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in aan la qarin karin guulaha waa wayn iyo horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Shan boqol oo qof ayaa hal maalin magaalada Muqdisho dhaxdeeda lagu xasuuqi jiray markaas ayey mas’uuliyiintii waqtigaas maro gaduudan garbaha kusoo xirteen sida reer Galbeedka,” ayuu yiri duqa Magaalada Muqdisho.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Horumarka dowladdeenna gaartay dabool lama saari karo, arrintaasna waa mid dadka oo dhan u muuqata”.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu haatan sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo uu haatan ka dhexeeyo khilaaf xooggan oo ka dhashay doorashooyinka dalka.
Inta badan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa mucaaradka ayaa iska weerara warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama lagu jiro xilli adag oo kala guur ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa labada dhinac.

