Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay, Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq), kaas oo loo gartay inuu noqdo musharraxa Galmudug ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul wasaaraha ayaa xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay musharraxa, waxayna kadib ka wadahadleen xaaladaha Galmudug iyo doorashada kusoo foodka leh, maadaama ay dowladdu heshiis la gaartay Axmed Qoor Qoor.
Liibaan Shuluq oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweyntiisa iyo doorka uu ka qaaday arrimaha Galmudug, maadaama wadahadal iyo deganaan lagu dhammeeyay xiisaddii maamulkaas.
“Waxaan maanta booqasha-sharafeed ugu tegay Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga JSP, isaga oo si diirran iigu soo dhoweeyay xafiiskiisa. Ra’iisulwasaaraha JFS ayaan uga mahadceliyay dadaalkii muuqday iyo kaalintii wax-ku-oolka ahayd ee uu ka qaatay geeddisocodka siyaasadeed iyo taageerada Dawladgoboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug” ayuu yiri Musharrax Madaxweyne Liibaan Axmed Xasan (Shuluq).
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Galmudug, wuxuuna u mahad-celiyay hoggaanka iyo xubnaha JSP, isaga oo sidoo kale ballan qaaday inuu Galmudug ku hoggaamin doono cadaalad, nabad iyo horumar.
‘Waxaan Xisbiga JSP uga mahadceliyay kalsoonida weyn ee ay igu aamineen, taas oo ah musharraxnimada hoggaanka Galmudug; anigoo ballanqaaday in aan shacabka Galmudug ugu adeegi doono, kuna hoggaamin doono: caddaalad, midnimo, nabad, iyo horumar,” ayuu sii raaciyay.
Si kastaba, ha’ahaatee, dadka reer Galmudug ayaa si weyn isha ugu hayo arrimaha Galmudug, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaasi.
Dhawaan Villa Soomaaliya ayaa doorasho ka qabatay Koonfur Galbeed, halkaas oo uu isbeddal ka dhacay, kadib markii uu doorashada kusoo baxay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ahaa musharrixii matelayay Xisbiga JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


