25 C
Mogadishu
Sunday, June 28, 2026

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya + Ujeedka

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxtooyada Soomaaliya oo qoraal kooban soo saartay ayaa tilmaamtay in booqashadan ay tahay mid shaqo, isla markaana ay qaadan doono muddo 2 cisho ah.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiisa ayaa daaran xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa kulan la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli-doona xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

Safarkan waxaa ka horreeyay booqasho uu maalin kahor Xasan Sheekh ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu uga qayb-galay  munaasabadda qaran ee xuska 49 sano guurada kasoo wareegatay markii dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska, waqtigaasi oo ku beegan 27-kii bishii Juun, sanadkii 1977-dii.

Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu todoaad kahor booqday dalka Kenya, isaga oo beer ku taalla magaalada Narok kula kulmay dhigiisa dalkaas, William Ruto oo ay ka wada-hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal.

Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ka mid ah waddamada dariska ah ee haddane xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb-qaadataan howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika oo xoogga saaro amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Safarradan uu galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo ay mucaaradka Soomaaliya ku baaqeen qabashada doorashooyin toos ah oo degdeg ah, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News