Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay mashaariic horumarineed oo isugu jira waddooyin iyo xarumo dowladeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona horumarinta iyo dib-u-dhiska dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale dhagax-dhigay mashaariic cusub oo ay hirgelinayso xukuumaddiisa. Xamza ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami ah oo dhererkeedu yahay 2 (laba) kiiloomitir, taas oo ay maamulka gobolka Banaadir ka hirgeliyeen degmada Dayniile.
Waxa uu uga mahadceliyey maamulka iyo shacabka caasimadda hirgelinta waddadan muhiimka ah oo fududeynaysa isku socodka bulshada, gaar ahaan isu-socodka gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ka qayb qaadanaysa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo bilicda caasimadda.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in waddooyinku aysan ahayn oo keliya marin la maro, balse ay astaan u yihiin horumar, bilic iyo dib-u-dhis qaran. Waxa uu sidoo kale bogaadiyey dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo kaabeyaasha caasimadda.
Xamza ayaa hoosta ka xarriiqay in Muqdisho ay maanta ka gudubtay marxaladihii adkaa ee ay soo martay, isla markaana ay cagta saartay jidka horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isagoo bulshada ku boorriyey ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, maadaama ay yihiin saldhigga horumarka.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu waxa uu ku baaqay in la xoojiyo nadaafadda magaalada, isla markaana bulshada lagu wacyigeliyo shuruucda isticmaalka waddooyinka si loo xaqiijiyo badbaado iyo kala dambeyn.
Intaa kadib, ra’iisul wasaaruhu waxa uu xarigga ka jaray xarunta cusub ee wasaaradda beeraha iyo waraabka, oo loo dhisay qaab casri ah una dhiganta heerarka caalamiga ah. Waxa uu ku ammaanay wasiirka iyo shaqaalaha dadaalka ay geliyeen hirgelinta xaruntan, isagoo sidoo kale ku boorriyey ganacsatada iyo beeraleyda Soomaaliyeed in ay kordhiyaan wax-soo-saarka gudaha si loo gaaro isku filnaansho cunno.
Waxa uu sheegay in beeruhu ay yihiin tiir muhiim ah oo dhaqaalaha dalka lagu tiirsan yahay, isla markaana aan xorriyad dhab ah la gaari karin haddii dalka uu ku tiirsanaado cunto dibadda laga keeno.
Sidoo kale, Xamza waxa uu daah-furay xarunta qurba-joogta Soomaaliyeed ee wasaaradda arrimaha dibadda, taas oo u adeegaysa malaayiinta qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dunida oo dhan. Xaruntan ayaa fududeyn doonta xiriirka dowladda iyo qurba-joogta, isla markaana ka jawaabi doonta baahiyahooda iyo cabashooyinkooda.
Waxa uu xusay doorka muuqda ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin horumarka dalka, isagoo ku ammaanay dadaalkooda joogtada ah ee ay ugu adeegaan dalkooda iyo ilaalinta afka, dhaqanka iyo diinta.
Ugu dambeyn, ra’iisul Wwasaaruhu waxa uu dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta dhexe ee wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo xarunta cilmi-baarista xoolaha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta dhaqaalaha xoolaha.
Waxa uu tilmaamay in cilmi-baaristu ay tahay tiir muhiim ah oo lagu horumariyo tayada xoolaha Soomaaliyeed, isagoo rajo ka muujiyey in mashaariicdan si dhakhso ah loo dhammaystiri doono.
Furitaanka iyo dhagax-dhigga mashaariicdan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay u dabaaldegayso sanad-guuradii 66-aad ee xornimada, taas oo sanadkan lagu muujinayo horumar iyo isbeddel muuqda oo ay gaartay xukuumadda Dan-Qaran.





















