25.4 C
Mogadishu
Monday, June 29, 2026

Muqdisho: Maydka qof jirkiisu isbeddelay oo laga soo saaray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta Warta KM4 ee magaalada Muqdisho ka soo saartay meydka qof muddo ku jiray goobtaas, kaas oo jirkiisu isbeddelay, isla markaana aan la aqoonsan karin.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, ur xooggan oo ka soo baxayay deegaanka ayaa sababtay in la baaro halka ay ka timid, waxaana ugu dambeyntii la helay meydka qofkaas oo la rumeysan yahay inuu yahay nin.

Meydka ayaa la sheegay inuu muddo ku jiray biyaha iyo qashinka ku ururay warta, taas oo sababtay in jirkiisu isbeddelo, isla markaana ay adkaato in si fudud loo aqoonsado.

Markii la helay meydka, waxaa isla markiiba la wargeliyay Dowladda Hoose ee Xamar, taas oo dirtay shaqaale iyo gaadiid si goobta looga saaro meydka. Shaqaalaha dowladda hoose ayaa muddo ku qaatay ka saarista meydka, iyagoo ugu dambeyntii ku guuleystay soo saaristiisa.

Roobabkii xooganaa ee toddobaadkii hore ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay in biyo badan ay ku fatahaan Warta KM4 iyo goobo kale oo ka tirsan caasimadda, taas oo keentay dhibaatooyin kala duwan oo soo gaaray shacabka.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in qofkan uu ka mid yahay dadkii ku dhintay daadadka iyo biyaha ku fatahay Warta KM4, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin aqoonsigiisa iyo duruufaha saxda ah ee geeridiisa.

Si kastaba, wartan ayaa waxaa hore looga soo saaray meydadka dad ku geeriyooday roobabkii xooganaa ee ka da’ay Muqdisho, iyadoo dadka deegaanka ay mar kale ka digeen khatarta ay wartaasi ku hayso shacabka xilliyada roobka. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxay ku baaqeen in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo halista ka dhalata fatahaadaha iyo biyaha fadhiya.

- Advertisement -

Read more

Local News