26.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 30, 2026

Kadib aqoonsigii Somaliland, Israel oo hadda taageereysa gooni u goosatada dalka….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa sii ballaarineysa xiriirkeeda ay la leedahay maamullo iyo gobollo gooni-u-goosad ah, xilli sumcaddeeda caalamiga ah uu dhaawac weyn ka soo gaaray dagaalka Gaza, duullaanka Lebanon iyo dagaalkii Iran.

Warbixin uu qoray Middle East Eye ayaa sheegtay in tallaabadii ugu dambeysay ay noqotay xiriirka Israel la yeelaneyso Republika Srpska, oo ah maamulka ay Serbiyiinta maamulaan ee ka tirsan Bosnia, balse muddo dheer ay hoggaamiyeyaashiisu ku riixayeen qorshe gooni-u-goosad ah.

Željka Cvijanović, oo ah xubinta Serb-ka ah ee madaxtinimada saddexda xubnood ka kooban ee Bosnia, ayaa dhowaan booqasho toddobaad ah ku tagtay Israel, halkaas oo ay kula kulantay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, wasiirka arrimaha dibadda Gideon Saar iyo saraakiil kale oo sare.

Booqashadaas ayaa dhalisay caro siyaasadeed oo xooggan, kadib markii sawirro laga qaaday kulamada ay muujiyeen Cvijanović oo garab taagan Netanyahu, iyadoo aan meesha lagu arag calanka rasmiga ah ee Bosnia. Halkii laga filayey calanka Bosnia, waxaa dhinaca Israel la dhigay calanka Republika Srpska.

Arrintaas ayaa si weyn uga careysiisay dowladda dhexe ee Bosnia, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Elmedin Konaković uu Israel u diray warqad cabasho ah oo ku saabsan jebinta hab-maamuuska diblomaasiyadda iyo waxa uu ku tilmaamay ixtiraam la’aan loo muujiyey madax-bannaanida Bosnia.

Somaliland iyo Republika Srpska

Warbixinta Middle East Eye ayaa xiriirkan cusub ku xirtay dhaq-dhaqaaq ballaaran oo Israel ku raadineyso xulafo cusub oo siyaasadeed iyo amni, gaar ahaan maamullo aan si buuxda u helin aqoonsi caalami ah, balse doonaya inay noqdaan dalal madax-bannaan.

Somaliland, oo sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 1991, ayaa ka mid noqotay meelaha Israel ay dhowaan u jeesatay, kadib markii Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland dabayaaqadii 2025.

Sidaas oo kale, Republika Srpska ayaa ah maamul ka tirsan Bosnia oo ay hoggaamiyeyaashiisa Serb-ku muddo dheer ku hanjabayeen inay ka go’ayaan dalka intiisa kale. Xisbiga Cvijanović ee SNSD, oo uu hoggaamiyo Milorad Dodik, ayaa ka mid ah awoodaha ugu waaweyn ee riixaya fikirkaas.

Vuk Vuksanović, oo bare ka ah Waaxda Daraasaadka Dagaalka ee King’s College London, ayaa Middle East Eye u sheegay in hoggaanka Republika Srpska uu aaminsan yahay inuu u baahan yahay “saaxiibo xooggan”, kuwaas oo xilligan ay ka mid tahay Israel.

“Waxay Israel iyo kooxaha u ololeeya u arkaan albaab loo maro Aqalka Cad,” ayuu yiri Vuksanović, isagoo intaas ku daray in xiriirkaas uu si gaar ah muhiim ugu noqday Dodik iyo xulafadiisa xilligan maamulka Donald Trump.

Dodik, oo muddo labaatan sano ah ku riixayey gooni-u-goosadka Republika Srpska, ayaa sidoo kale caan ku ah xiriirka dhow ee uu la leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Hase yeeshee, Vuksanović ayaa sheegay in Washington iyo Israel ay hadda u muuqdaan inay ka horreeyaan Moscow marka la eego taageerada dibadeed ee hoggaanka Serb-ka Bosnia.

“Ma filayo inay si buuxda ugu guuleysan karaan madax-bannaanida Republika Srpska,” ayuu yiri, “laakiin waxay aaminsan yihiin in saaxiibo caalami ah ay siin karaan fursad istiraatiiji ah oo dheeraad ah.”

Israel oo raadineysa taageero cusub

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in Israel ay xiriirradan u adeegsaneyso laba ujeeddo: inay hesho xulafo cusub oo siyaasadeed iyo inay yareyso go’doominta caalamiga ah ee ka dhalatay Gaza, Lebanon iyo Iran.

Vuksanović ayaa sheegay in Israel ay dooneyso “saaxiibo cusub oo Yurub ah” kuwaas oo wiiqi kara mowqif mideysan oo qaaradda Yurub ka yeelato arrinta Falastiin.

“Dunida inteeda badan waxay ka careysan tahay sida dowladda Israel u maareysay Gaza, Lebanon iyo Iran,” ayuu yiri. “Waxaa jira naceyb xooggan oo ka dhan ah Israel, sidaas darteed waxay si joogto ah u raadinayaan dad weli diyaar u ah inay la xiriiraan, si ay u muujiyaan in aysan si buuxda u go’doomin.”

Kulankii Israel, Cvijanović ayaa si cad u difaacday Netanyahu, iyadoo sheegtay inay ka soo horjeeddo go’aankii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee lagu soo saaray waaran qabasho oo ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Israel.

Warbaahinta Israel ayaa ka soo xigatay iyadoo leh: “Waxaan si cad u taageereynaa xaqa Israel ee is-difaaca.”

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Israel Gideon Saar ayaa sheegay in isaga iyo Cvijanović ay ka wada hadleen “baahida loo qabo ilaalinta dadka Kiristaanka ah ee ku nool Bosnia Herzegovina.”

Hadalkaas ayaa dhaliyey dood, maadaama dadka Kiristaanka ah ay ku dhow yihiin kala bar bulshada Bosnia, isla markaana dastuurka dalka uu aqoonsan yahay Bosniyiinta, Serbiyiinta iyo Croats-ka inay yihiin saddexda bulsho ee aasaasiga ah ee dalka, balse uusan midkoodna ku tilmaamin qowmiyad laga tiro badan yahay.

Xiriir taariikhi ah oo muran leh

Denijal Jegić, oo bare ka ah Jaamacadda Lebanese American University ee Beirut, ayaa Middle East Eye u sheegay in Israel iyo Republika Srpska ay wadaagaan waxyaabo badan oo siyaasadeed iyo taariikhi ah.

“Republika Srpska iyo Israel waa xulafo dabiici ah,” ayuu yiri Jegić. “Labada dhinacba waxaa lagu dhisay barakicin qowmiyadeed, aqoonsigooduna wuxuu ku dhisan yahay fikrado sarreyn qowmiyadeed ah.”

Sanadkii 1995, ciidamada Serbiyiinta ayaa xasuuq ka geystay Srebrenica, halkaas oo lagu dilay kumannaan Muslimiin Bosniyiinta ah. Maxkamadaha caalamiga ah ayaa dhacdadaas ku tilmaamay xasuuq. Dagaalkii Bosnia ee socday 1992 ilaa 1995 ayaa ku dhammaaday heshiiskii Dayton, kaas oo dalka u kala qaybiyey laba maamul: Federation-ka ay wada maamulaan Bosniyiinta iyo Croats-ka, iyo Republika Srpska oo ay Serbiyiinta maamulaan.

Jegić ayaa sheegay in Bosnia, tan iyo dagaalka kadib, loo qaabeeyey nidaam siyaasadeed oo daciif ah, taas oo u fududeyneysa quwado dibadeed inay faragelin ku yeeshaan arrimaheeda gudaha.

Laakiin xiriirka Israel iyo hoggaanka Serbiyiinta Bosnia ma ahan mid cusub. Warbixintu waxay xustay in xiriirro siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo labada dhinac ah ay soo jireen ugu yaraan 15 sano, iyadoo Avigdor Lieberman, oo hore u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Israel, uu dhowr jeer booqday Milorad Dodik sanadkii 2011.

Sanadkaas, Dodik, oo markaas ahaa xubinta Serbiyiinta ee madaxtinimada Bosnia, ayaa xannibay in Bosnia ay u codeyso taageerada Falastiin ee ka mid noqoshada Qaramada Midoobay.

Belgrade oo guul u noqotay Israel 

Dhinaca kale, Serbia ayaa iyaduna si muuqata u kordhisay xiriirka ay la leedahay Israel. Bishii April, madaxweynaha Serbia Aleksandar Vučić ayaa sheegay in dalkiisu si wadajir ah Israel ula soo saari doono diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dagaalka, halka wasiirka arrimaha dibadda Serbia Marko Đurić uu ku dhawaaqay iskaashi istiraatiiji ah oo cusub oo lala yeeshay Israel.

Falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in Belgrade, oo markii hore dhexdhexaad ka ahayd xiriirka Israel iyo Falastiin, ay sannadihii u dambeeyay si tartiib ah ugu dhowaatay Israel.

“Belgrade waxay Israel u noqotay guul diblomaasiyadeed oo yar,” ayuu yiri Vuksanović, isagoo sheegay in Serbia aysan si buuxda uga bixin xiriirkii ay la lahayd Falastiin, balse ay hoos u dhigtay saaxiibtinimadii hore.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Israel ay daneyneyso inay raad ku yeelato labada bulsho ee Serbiyiinta iyo Albanian-ka, oo loo arko kuwa ugu saameynta badan Balkans-ka. Xiriirka Israel la yeelaneyso Republika Srpska ayaa sidoo kale loo arkaa mid lagu cadaadinayo ama lagu carqaladeynayo Turkiga, oo xiriir dhow la leh Sarajevo.

Hase yeeshee, Vuksanović ayaa ka digay in Balkans-ku uusan dan ugu jirin inuu noqdo goob ay ku loollamaan quwadaha Bariga Dhexe.

“Uma maleynayo inay danta fog ee Serbiyiinta ama Bosniyiinta ku jirto in loo arko goob wakiil looga yahay khilaafaadka Bariga Dhexe,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News