Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa wajahaysa weerarro culus oo dhanka internet-ka ah kadib markii la sheegay in kooxo burcad internet ah ay bartilmaameedsadeen hay’adaha kala duwan ee maamulkaas.
Weerarradan ayaa la sheegay inay si gaar ah u saameeyeen qaar ka mid ah mareegaha iyo baraha internet-ka ee hay’adaha maamulka Somaliland, iyadoo la tilmaamay in lagu qaaday howlgal isku dubbaridan oo dhanka dhijitaalka ah.
Kooxaha weerarka fuliyay oo lala xiriirinayo Iiraan iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa si ku-meelgaar ah ula wareegay bogagga qaar ee hay’adaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Bangiga Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Mareegaha la jabsaday ayaa laga tirtiray dhammaan xogtii iyo macluumaadkii ku jiray, taas oo dhalisay hakad ku yimid adeegyada qaar ee internet-ka.
Sidoo kale, intii uu weerarku socday ayaa waxaa mareegahan lagu faafiyay fariimo lagu muujinayo taageero loo hayo Xuutiyiinta Yemen, taas oo weeraradan si toos ah ula xiriirinaya xulafada Iiraan.
Maamulka Somaliland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradan, inkastoo la filayo inuu warbixin rasmi ah ka soo saaro.
Si kastaba, weerarkan internet-ka ah ayaa ku soo beegmaya xilli uu maamulka Somaliland dhawaan sheegay inuu safaarad ka furtay Qudus, tallaabadaas oo si weyn uga careysiisay dalal badan oo Islaam ah.
Xiriirka Somaliland iyo Israa’iil ayaa sidoo kale diidmo adag kala kulmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalal badan oo caalamka, kuwaas oo u arka inuu xadgudub ku yahay qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

