26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 2, 2026

Xafiiska wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya oo la jabsaday + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Ilo-wareedyo ku dhow xarunta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in muddooyinkii u dambeeyay uu muran xooggan hareeyay shaqadii ka socotay xafiiska Waaxda Gaadiidka iyo Leysinnada ee PRA.

Wararka ayaa sheegaya in murankan uu ka dhashay cabashooyin dadweyne oo la xiriira adeegyada xafiiska, lacagaha laga qaado shacabka iyo eedeymo musuq-maasuq, kuwaas oo sababay in howlihii qaar ee xafiiska ay hakad galaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux, ayaa la sheegay inay gaareen cabashooyin ku saabsan musuq-maasuq iyo in shacabka dalbanaya leysinnada laga qaado lacago dheeraad ah. Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, wasiirka ayaa isku dayay inuu qaado tallaabooyin lagu xakameynayo musuq la sheegay inuu ka jiray Waaxda Gaadiidka iyo Leysinnada ee PRA.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in wasiirku qorsheeyay inuu meesha ka saaro kooxo lagu tilmaamay inay ka shaqeeyaan suuq madow, kuwaas oo la sheegay inay lacago sharci-darro ah ka sameyn jireen adeegyada dowladda.

Sida xogaha aan helnay ay sheegayaan, tallaabada wasiirka ayaa lagu doonayay in lacagaha adeegyada dowladda laga qaado shacabka ay si rasmi ah ugu dhacaan khasnadda dowladda, halkii ay ku dhici lahaayeen jeebabka shaqsiyaad gaar ah.

Hase yeeshee, ilo-wareedyo ku dhow wasaaradda ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cumar Cali Afrax, uu ka horyimid tallaabooyinka uu qaaday wasiirka. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in agaasimuhu uu ka carooday go’aanka wasiirka ee lagu joojinayay habraacyada muranka dhaliyay, islamarkaana uu si adag uga hor yimid isbeddelladaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in agaasimaha lagu eedeeyay inuu adeegsaday cadaadis iyo buuq gudaha ah, si uu u difaaco kooxo lagu sheegay inay ku lug lahaayeen habraacyo aan rasmi ahayn oo la xiriira adeegyada gaadiidka, leysinnada iyo taargooyinka.

Arrinta sida weyn uga yaabisay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda ayaa ah in khilaafka uu gaaray heer la sheegay in la jabsaday xafiiskii rasmiga ahaa ee Wasiirka Gaadiidka, lagana qaatay dukumiintiyo yaallay. Tallaabadan, haddii ay dhab noqoto, ayaa ka dhan ah hab-maamuuska iyo sharciga hay’adaha dowladda, waxayna muujineysaa heerka uu gaaray khilaafka ka dhex taagan madaxda wasaaradda.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, adeegyada qaar, gaar ahaan cusbooneysiinta leysinnada dhacay, ayaa shacabka Soomaaliyeed looga qaadaa lacag dhan $70, halka $40 oo keliya lagu sheegay inay si rasmi ah ugu dhacdo qasnadda dowladda.

Ilo-wareedyada ayaa inoo sheegay in $30-ka harsan ay qaataan shaqsiyaad gaar ah, arrintaas oo dhalisay su’aalo ku saabsan hufnaanta maamulka dakhliga iyo sida loo maamulo lacagaha laga qaado shacabka.

Dhanka kale, dadka ay ka lumaan taargooyinka gaadiidka ayaa la sheegay in aan loogu adeegin habraaca rasmiga ah ee wasaaradda, balse lagu qasbo inay maraan shaqsiyaad dhexdhexaadiyayaal ah. Dadkaas ayaa la sheegay inay xiriir la leeyihiin xubno ka tirsan wasaaradda, inkastoo aanay qaarkood si rasmi ah uga tirsanayn shaqaalaha wasaaradda.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in shaqsiyaadkaas ay si hoose uga shaqeeyaan arrimaha la xiriira soo saarista taargooyinka, leysinnada iyo adeegyada nootaayooyinka, taas oo sii kordhisay cabashada shacabka iyo shakiga laga qabo habka loo maamulo adeegyada PRA.

Arrimahan ayaa la sheegay inay gaareen xafiisyada ugu sarreeya dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxweynaha. Waxaa la filayaa in madaxda dowladda ay arrintan xal ka gaaraan, si howsha wasaaradda ay ugu soo laabato hannaan rasmi ah oo hufan.

Warar kale ayaa sheegaya in si hoose loo xalliyay qeyb ka mid ah khilaafka madaxda wasaaradda, balse weli ay taagan tahay cabashada dadweynaha ee la xiriirta lacagaha laga qaado adeegyada leysinnada, iyadoo weli la sheegayo in shacabka laga qaado $70, halka dowladda ay ku dhacdo $40 oo keliya.

Tan iyo burburkii dowladnimada Soomaaliya, hay’adaha dowladda ee dib loo dhisay ayaa marar badan la daalaa-dhacayay awood-darro, nidaam-xumo iyo musuq-maasuq dhaawacay kalsoonida shacabka. Inkastoo sanadihii dambe la qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, haddana cabashooyinka noocan ah ayaa muujinaya in weli ay jiraan caqabado waaweyn oo u baahan wax ka qabasho degdeg ah.

Ali Muxiyaddiin
Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News