Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay eedeymo uga yimid Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xilli uu ka hadlayay xiriirka muranka dhaliyay ee maamulka uu la yeeshay Israa’iil iyo dadaallada aqoonsiga maamulka.
Muuse Biixi ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku beeniyay inuu marna sheegay in Somaliland ay aqoonsi rasmi ah ka heshay dalalka Guinea Conakry iyo Itoobiya. Wuxuu ku eedeeyay Cirro inuu si khaldan u fasiray hadalladiisii hore, isaga oo caddeeyay in mowqifkiisu mar walba ahaa in Somaliland ay u baahan tahay aqoonsi caalami ah.
Biixi ayaa sheegay in tallaabo kasta oo la xiriirta raadinta aqoonsiga Somaliland ay u baahan tahay in si qoto dheer looga fiirsado, maadaama ay tahay arrin masiiri ah oo saameyn ku leh mustaqbalka Somaliland iyo xiriirkeeda caalamiga ah.
Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa sidoo kale dib u xusay hadalkii uu jeediyay markii Israa’iil ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland, isaga oo sheegay inuu soo dhaweeyay tallaabadaas, balse uu xilligaas ku baaqay in si taxaddar leh loo qiimeeyo dhammaan dhinacyada siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee ka dhalan kara.
Dhanka kale, Biixi ayaa dhaliil u jeediyay qaabka Madaxweyne Cirro u maareeyay safarradiisii dibadda. Wuxuu sheegay in Cirro uu qirtay inuu hore si qarsoodi ah u booqday Israa’iil, isaga oo isweydiiyay sababta safarkaas looga qariyay shacabka iyo warbaahinta.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in wafdigii Madaxweynaha iyo wasiirradiisu ay kala joogeen dalal kala duwan intii lagu jiray safarkii ugu dambeeyay ee dibadda, isaga oo su’aal ka keenay sababta qarsoodiga iyo kala qeybsanaanta howlaha wafdiga.
Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo beegmaya iyadoo dood xooggan ay weli ka taagan tahay gudaha Somaliland, kadib aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland iyo furitaanka safaarad uu hoggaanka maamulku sheegay inuu ka furay Qudus.
Hoos ka aqriso qoraalka madaxweynihii hore:
Madaxweyne Cirro ayaa shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa weedho iiga soo gubiyay, bal aan in yar ka idhaahdo.
Wuxu madashaa ka sheegay in aan sheegay in laba jeer aan ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea conakry iyo Ethiopia.
Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay. Arrintaasi been baad sheegtay Odaygii Qaranka lagu odhan maayee, ee wuu ismoodsiyey.
Odaygu wuxuu sheegay in anan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada JSL hadalkii aan ka jeediyayna waa kan:
“Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u eegtahay maahmaahdii ahayd “Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta kowaad ee dalkeena JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeena khilaaf uga iman.
Maantana intii ayaan leeyahay.” Haddaba, waxa nasiib darro ah in madaxtooyadu ay jarjartay hadalkaygii oo la nuxur tiray. Sido kale, waxa gabi ahaanba meesha laga saaray hadalkii uu madasha ka jeediyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Haddaba, gefka yaa galay?
Arrintan sida aad u maamushay aan dul istaago, safarkaagii rasmiga ahaa waxa aad sheegtay in aad Israa’iil hore u booqatay iyada oo laga ilaaliyay shacabka iyo warbaahintaba, waana kow madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland ah oo si qarsoodi ah u safra, marka dambena sheega in uu safaro qarsoodi ah uu galay.
Safarkaagii u dambeeyay ee rasmiga ahaa waxa aad muddo joogtay dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo aad ka dhooftay, halka waftigaagii wasiiraduna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen dalka itoobiya kana dhoofeen.
Madaxweyne maxaa keenay qarsoodiga iyo qaybsanaanta?

