Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad ayaa si adag uga jawaabay warbixin ay soo saartay hay’adda International Crisis Group (ICG), taas oo ka digtay in kooxda Al-Shabaab ay sameysay horumar meesha ka saaray qaar ka mid ah guulihii ay dowladda Soomaaliya ka gaartay labadii sano ee la soo dhaafay.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, ayuu Cali Balcad ku sheegay inay caado noqotay in qaar ka mid ah hay’adaha iyo fagaarayaasha siyaasadda ay Soomaaliya u sawiraan dal si joogto ah u fashilmay, isla markaana aan awood u lahayn inuu iskiis u sugo amnigiisa, u dhiso hay’adihiisa dowladeed ama si hufan isku maamulo, taas oo uu si weyn ugu dhaliilay.
Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay in sawirka noocaas ah uu yahay mid aan dhammaystirnayn oo aan ka tarjumayn xaqiiqada ka jirta Soomaaliya. Wuxuuna xusay in dowladda ay muddooyinkii dambe wadday dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo hay’adaha dowladda iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada oo kamid tahay Al-Shabaab.
Cali Balcad ayaa tilmaamay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay isku mar wajahday saddex caqabad oo waaweyn, kuwaas oo kala ah la-dagaallanka Al-Shabaab, dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada amniga qaranka iyo dhammaystirka dastuurka oo horseeday doorashooyin dadweyne, sida uu sheegay.
“Ma jiro khabiir dhab ah oo ku takhasusay dib-u-dhiska dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo odhan kara midkoodna hawlahan waa sahlan yahay,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Balcad ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay dhammaan caqabadahaas wajahayso iyadoo weli ku jirta dagaal toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay la tacaaleyso dhaqaale iyo kheyraad xaddidan.
Dhanka kale, warbixinta ay soo saartay ICG ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab, oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida ay sanadkii lasoo dhaafay ee 2025 sameysay horumarro militari oo la taaban karo, kuwaas oo wiiqay qaar ka mid ah guulihii ay dowladda Soomaaliya horay u sheegatay inay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda.
Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha, dib u dhaca ku yimid geeddi-socodka siyaasadda iyo isbeddelka ku yimid taageerada caalamiga ah ay sare u qaadeen walaaca laga qabo in dowladda Soomaaliya ay wajahdo cadaadis amni iyo mid siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
Warbixinta ICG iyo jawaabta dowladda Soomaaliya ayaa imanaysa xilli uu hoos u dhacay gulufka militari ee ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa marar badan ku adkeysatay in, inkastoo ay jiraan caqabado ay sii socon doonaan howl-gallada lagu doonayo ciribtirka kooxda iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood u leh sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

