25.3 C
Mogadishu
Monday, July 6, 2026

DF oo ku dhawaaqday in la soo afjaray isticmaalkii magaca “madaxweyne” ee maamullada

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la soo afjaray isticmaalkii magaca “madaxweyne” ee loo adeegsan jiray madaxda dowlad-goboleedyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in hadda kadib “hoggaamiyeyaal” loogu yeeri doono madaxda dowlad-goboleedyada, maadaama uu dalka ka dhaqan-galay dastuurka cusub ee muranka dhaliyay.

“Waa laga guurey madaxweyne, madaxda dowlad-goboleedyada waa hoggaamiye, oo sidaas ayaa loogu yeeraya,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Isbeddelkan ayuu sheegay inuu taabanayo dhamaan dowlad-goboleedyada dalka, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland oo si weyn isku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana qaadacay dastuurka cusub ee meel-marisay dowladda dhexe.

“Kuwa xitaa maqan ee jid iyo jahadiidka ah, dhammaantood waa hoggaamiye,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Dastuurka cusub oo hore u saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu dhigayaa in ragga maamula dowlad-goboleedyada aan loogu yeeri karin “madaxweynayaal” halka la siiyay darajada “hoggaamiyeyaal”.

Hoggaamiyayaasha gobollada waxaa u qorneyd muddo fog inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka cusub ee maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye, waxaana laga bilaabo maalinkaas meesha ka baxday in loogu yeero madaxweyneyaal.

Dastuurka cusub oo weli mucaaradad xooggan wajahaya ayaa waxaa qaadacay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, iyadoo maamullada Jubaland iyo Puntland ay si cad u sheegeen in aysan aqoonsaneyn dastuur aan aheyn kii 2012.

- Advertisement -

Read more

Local News