26.6 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Guddiga doorashooyinka qaranka oo qeyb ka noqday doodda shuruucda ee ka socota…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa magaalada Sharma El-Sheikh ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar kaga qayb-galay Madasha 10-aad ee Guddiyada Doorashooyinka Afrika oo ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha doorashooyinka ee dalalka qaaradda.

Madasha ayaa sanadkan diiradda lagu saaray sidii muwaadiniinta Afrikaanka ah ee ku nool dalalka dibadda loogu suurtagelin lahaa inay si buuxda uga qayb qaataan doorashooyinka dalalkooda, iyada oo la xoojinayo ka-qaybgalka qurbo-joogta ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

Intii uu socday shirka, madaxda guddiyada doorashooyinka ayaa ka dooday diyaarinta shuruucda lagama maarmaanka u ah hirgelinta codbixinta qurbo-joogta, iyo sidoo kale hababka farsamo ee u sahlaya inay codadkooda ka dhiibtaan safaaradaha iyo qunsuliyadaha dalalkooda ee ku yaalla waddamada ay deggan yihiin.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee leh qurbo-joogta ugu badan ee ku nool daafaha caalamka, taasoo ka dhigaysa arrinta ka-qaybgalka qurbo-joogta ee doorashooyinka mid muhiim u ah qorsheyaasha lagu horumarinayo nidaamka doorashooyinka dalka.

Ka-qaybgalka Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee madashan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu dhisayo hannaan hufan oo u oggolaanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool inay mustaqbalka ka qayb qaataan doorashooyinka dalka.

Mudadii uu ku sugnaa Sharma El-Sheikh, Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka guddoomiyeyaasha guddiyada doorashooyinka Afrika, halkaas oo lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka qabsoomay dalal kala duwan oo Afrikaan ah, iyo caqabadaha iyo guulaha laga gaaray maamuliddooda.

Guddoomiyaha ayaa madasha ka jeediyay warbixin uu ku faahfaahiyay horumarka doorashooyinka Soomaaliya, isagoo si gaar ah uga hadlay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee ka qabsoomay gobolka Banaadir iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyo tallaabooyinka ay Soomaaliya qaaday si loo xoojiyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News