26.2 C
Mogadishu
Thursday, July 9, 2026

Xogtii ugu dambeysay ee wada-hadallada DF iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa maanta galaya wajigii labaad, iyada oo ay garwadeen ka yihiin Turkiga iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in barqanimada maanta lasii amba qaadi doono wada-hadallada oo diiradda lagu saarayo xaaadda cakiran ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Sida uu muujinayo jadwalka oo ay aragtay Caasimada Online, kulanka koowaad oo dhex-mari doono wakiilada Villa Somalia iyo guddiga ka socda Nabad iyo Nolol ee uu soo magacaaba Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaas oo dhici doono 10:00am, iyada oo goobjoog ay ahaan doonaan dhex-dhexaadiyeyaasha, si u dhagaystaan doodaha labada dhinac.

Sidoo kale, kulan labaad ayaa qorshuhu yahay in 1:00pm ay yeeshaan wakiilada ka socda Villa Somalia iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo isna diiradda lagu saari doono is mariwaaga labada kooxdood.

Wajiga labaad ee wada-hadallada maanta loo ballansan yahay ayaa loo arkaa mid muhiim ah, iyada oo ujeedka ugu wayn uu yahay sidii loo gaari lahaa is afgarad siyaasadeed oo dhex-mara Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Wada-hadallada oo soo bilowday 7-dii Luulyo ayaa ku socdo jawi deggan, iyada oo labada dhinac ay si qoto dheer uga wada-hadlayaan arrimaha siyaasadeed ee dalka, waxaana doodaha ay yihiin kuwa furan oo la filayo in xal lagu gaaro.

Si kastaba, Wada-hadalladan ayaa imanaya xilli mucaaradku uu dhowaan soo bandhigay hindise ku saabsan nooc doorasho oo uu aaminsan yahay in dalka laga qaban karo, halka Dowladda Federaalka ay weli ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyadoo ku tilmaantay inay tahay hannaan awoodda dib ugu celinaya shacabka.

Kulamada socda ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, kaas oo horey u sababay xiisado amni iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News