24.8 C
Mogadishu
Thursday, July 9, 2026

Wafdi ka socda IGAD oo kulamo ka wada Muqdisho + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Saalim Caliyow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday urur-goboleedka IGAD.

Wafdiga ayaa booqasho shaqo ku tegay wasaaradda, si loo sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IGAD ee dhinacyada shaqada, socdaalka shaqaalaha iyo isdhexgalka gobolka.

Kulanka dhexmaray wasiirka iyo wafdiga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo si gaar ah looga hadlay hirgelinta baratakoolka xorriyadda isu-socodka dadka ee gobolka IGAD (The Protocol on Free Movement of Persons in the IGAD Region).

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay horumarinta maamulka socdaalka shaqaalaha, fududeynta isu-socodka sharciyeysan ee shaqaalaha, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo horseeda koboc dhaqaale iyo isdhexgal bulsho oo gobolka ah.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashadooda iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, isagoo sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay IGAD iyo hay’adda shaqada adduunka (ILO).

Prof. Saalim Caliyow ayaa xusay in wada-shaqeynta hay’adahan ay muhiim u tahay hirgelinta siyaasado iyo barnaamijyo kor u qaadaya shaqo-abuurka, fududeynaya socdaalka shaqaalaha ee ammaan, nidaamsan oo sharciyeysan, isla markaana taageeraya horumar waara.

Kulankan ayaa ka tarjumaya dadaallada joogtada ah ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ay ugu jirto xoojinta iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, si loo horumariyo suuqa shaqada, loo ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha, loona abuuro fursado dhaqaale oo ay ka faa’iideystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News