Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo war-saxaafadeed ka soo saaray wada-hadalladii ay Muqdisho kula yeesheen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kulamadu ku qabsoomeen jawi isfaham, ayna sii socon doonaan si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay 7-dii Luulyo 2026 ku kulmeen magaalada Muqdisho. Golaha ayaa xusay in kulanka uu ahaa mid furan, isla markaana labada dhinac ay si qoto dheer uga wada-hadleen arrimaha siyaasadeed ee dalka
Sida lagu sheegay bayaanka, labada dhinac waxay isku raaceen in dib loo bilaabo wada-hadallada rasmiga ah ee labada dhinac, iyadoo ujeeddadu tahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo dhammaystiran, kaas oo xoojinaya nabadda, xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Jamhuuriyadda Turkiga doorkeeda ku aaddan fududeynta wada-hadallada, isagoo ku tilmaamay Ankara inay si hufan u dhex-dhexaadinaysay geeddi-socodka wada-hadallada.
War-murtiyeedkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo kulankii shalay aysan ka qeyb-gelin maamullada Puntland iyo Jubbaland. Labada maamul ayaa hore u sheegay inay saluugsan yihiin doorka dhex-dhexaadinta ee Dowladda Turkiga. Hase yeeshee, Golaha Mustaqbalka ayaa si cad u ammaanay kaalinta Ankara.
Wada-hadalladan ayaa u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, oo ay qeyb ka yihiin Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madasha Nabad iyo Nolol. Kulamadan ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda.
Wararka ayaa sheegaya in wareegga xiga ee wada-hadallada loo qorsheeyey inuu qabsoomo maalinta berri ah, iyadoo la filayo inay markan goob-joog ama dhexdhexaadiye ka noqdaan wakiillo ka socda beesha caalamka, si loo dardar-geliyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed.

