25.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Laba horjooge oo maanta Al-Shabaab looga dilay howlgal culus oo ka dhacay J/Hoose

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland ayaa waaberigii maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Baqdaad ee hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Howl-galka ayaa lagu beegsaday fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay halkaas ka abaabulayeen falal amni-darro ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, howl-galka ayaa lagu dilay laba horjooge iyo 14 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ka qeyb qaadan jireen weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ay nolol ku qabteen laba horjooge oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo in laga helo xog la xiriirta dhaqdhaqaaqyada kooxda.

Intii uu howl-galka socday, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub, rasaas iyo qalab ciidan oo ay kooxdu u adeegsan jirtay weerarrada iyo falalka amni-darrada ah ee ay ka fuliso gobolka.

Dowladdu waxay sheegtay in howl-galka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay sii xoojinayaan howlgallada ka socda deegaannada ay weli ku sugan yihiin xubnaha kooxda.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan, loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ahaan dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News