Nairobi (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa sii xoojinaysa saamigeeda suuqa qaadka Soomaaliya, taasoo sababtay hoos u dhac ku yimid dhoofinta iyo dakhliga qaadka miraa ee Kenya saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan, sida uu qoray wargeyska Daily Nation, oo soo xiganaya xogta Hay’adda Beeraha iyo Cuntada Kenya (Agriculture and Food Authority – AFA).
Xogta AFA ayaa muujisay in dhoofinta qaadka mirooga Kenya ay hoos u dhacday boqolkiiba 13, iyadoo gaartay 692,000 kiiloogaraam muddadii u dhexeysay Janaayo iyo Maarso 2026, marka loo eego 795,668 kiiloogaraam oo la dhoofiyay isla muddadaas sanadkii hore.
Sidoo kale, dakhliga laga helay dhoofinta ayaa hoos ugu dhacay 3.09 bilyan oo shilin Kenya ah, halka uu sanadkii hore gaarayay 3.56 bilyan oo shilin, taasoo ka dhigan khasaare ku dhow 470 milyan oo shilin.
Warbixinta ayaa sheegtay in hoos u dhacaasi inta badan uu ka dhashay tartanka sii kordhaya ee uga imanaya Itoobiya, maadaama ay juqraafi ahaan uga dhowdahay Soomaaliya, taasoo u sahlaysa inay suuqa gaarsiiso qaad cusub oo qiimihiisu tartan geli karo, isla markaana kharashka gaadiidkiisu hooseeyo.
Waxa kale oo warbixintu xustay in go’aankii Soomaaliya ay sanadkii 2023 ku siisay dhoofiyeyaasha Itoobiya mudnaan ay si gaar ah suuqa u geli karaan 10 maalmood bishii uu sare u qaaday saamiga Itoobiya ee suuqa Soomaaliya, taas oo xilligaas dhalisay cabashooyin xooggan oo uga yimid beeraleyda iyo dhoofiyeyaasha Kenya.
Sida uu qoray Daily Nation, Soomaaliya ayaa weli ah suuqa ugu weyn ee rasmiga ah ee qaadka Kenya loo dhoofiyo, taasoo ka dhigaysa ganacsigan mid si weyn ugu nugul isbeddellada siyaasadeed, go’aannada dowladda iyo tartanka ka imanaya dalalka gobolka.
Hay’adda AFA ayaa sheegtay in ku tiirsanaanta hal suuq ay khatar ku tahay dhoofinta qaadka Kenya, iyadoo ku baaqday in la ballaariyo suuqyada loo dhoofiyo, gaar ahaan waddamada gobolka sida Jabuuti, si loo yareeyo saameynta isbeddellada ka dhaca suuqa Soomaaliya.
Sidoo kale, hay’addu waxay dowladda Kenya kula talisay inay maalgeliso horumarinta kaydinta iyo gaadiidka dalagga, isla markaana ay xoojiso heshiisyada ganacsi ee laba geesoodka ah, si kor loogu qaado tartanka mirooga Kenya ee suuqyada gobolka.

